Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa la xaqiijiyay inuu isaga tegay xilkii weynaa ee uu ka hayay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iskana dhiibay Yurub sida ay sheegayaan warar ay heshay mareegta Wadani.com.
Col. Koofi ayaa ka mid ahaa ssaraakiisha nabadsugidda ee sida weyn awoodda ugu lahaa magaalada Muqdisho, waxaana si gaara uu cadaadis u saaray Saxaafadda Muqdisho ka howl gasha. Lama oga sababta ku kaliftay inuu isaga tago xilka uu hayay ee keentay inuu dalka ka baxsado sarkaal darajadaas leh.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya inuu iska dhiibay dalka Biljam, halka warar kale sheegayaan inuu ku horeeyay Holland. Dowladda Soomaaliya oo xaalad xiisad siyaasadeed ah ku jirta ayaan weli buuxin xilkii uu faaruqiyay Col. Maxamed Aadan Koofi.
Qaar kamida saraakiisha dowladda ayaa ku doodaya in Sarkaalkan xaalad caafimaad ku maqan yahay, laakiin, wararka isa soo taraya waxay caddeynayaan inuu iska dhiibay Yurub.
Waxaa sarkaalkan xilka nabasugidda Gobolka Banaadir loo magacaabay July 2013 isagoo markaas ka tirsanaa saraakiisha madaxtooyada Somaliya. Waxaana lagu bedelay Taliyihii ka horeeyay Khaliif Axmed Ereg oo markii danbe wasiirka Amniga noqday.
[ad name=”HTML-2″]
Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir ee hadda baxsaday ayaa ah nin dhalinyaro oo awood badan ku lahaa Muqdisho, wuxuuna hore uga mid ahaa Maxkamadihii islaamiga. Markii Sheekh Shariif Axmed madaxweyne noqday ayuu ka shaqeeyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya isagoo ahaa Kuxigeenka Ilaalada gaarka ahaa Madaxtooyada.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]