Xildhibaanadii taageeray Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed isbaheysigooda ayaa shuruudo adag ku xiray Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Cumar C/rashiid Cali “Sharma’arke” si ay u ansixiyaan isaga iyo xukuumadiisa uu dhisi doono kadib wadadahadallo aan waxba la iskula harin oo dhex maray labada dhinac.
Guddi ka socday Isbaheysiga xildhibaannadan iyo Ra’iisal wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid ayaa looga dooday nooca ay noqon doonto xukuumadda uu soo dhisi doono iyo inay jiraan liis qoran oo madaxweynaha u dhiibay kaasoo uu ku dhawaaqi doono.

Cumar C/rashiid ayaa beeniyay inuu jiro, wuxuuna caddeeyay in marka laga reebo hal shaqsi oo aaunu magacaabin oo madaxweynaha kala dardaarmay aanu jirin cid kale oo qoran ilaa iminka, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada inay ansixiyaan magacaabidiisa, kadibna laga tashan doono dhismaha xukuumadda cusub.
Qodobada shuruudaha ah ee ay xildhibaannada hor dhigeen, kuna xiran inuu codkooda helo waxaa ka mid ahaa:
1. In awood qeybsi lagu dhiso xakuumada gaar ahaan wasaaradaha muhiimka.
2. In xakuumada iyo Barnaamijkeeda hal mar leysku keeno Baarlamaanka.
3. In Isbaheysiga xildhibaannada aanay aqbaleynin in saddex Ra’iisal wasaare ku xigeen in la macgaabo.
4. Inaan dib loo soo celin wasiiradii riday Xukuumadii hore.
Ra’iisal wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid ayaa ogolaaday qaar kamida shuruudaha xildhibaanadan, wuxuuna ka hor yimid ama ka gaabsaday qaar kale, wuxuuna balan qaaday in xukuumadiisa ay dhamaan dhinacyada kala duwan wax ka heli doonaan, isla markaana aan la soo celin doonin wasiiradii hore oo door bidayo in qaar cusub la tijaabiyo.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]