Thursday, May 15, 2025

XOG CUSUB: Xukuumadda Soomaaliya oo qarka u saaran FADHIIDNIMO iyo Shirarkii Golaha Wasiirada oo qabsoomi la’

Waxqabadka Xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa laga deyrinayaa iyadoo xukuumadani ay ku jirto bilihii ugu horeeyay ee tijaabada ahaa kadib markii ay xafiiska la wareegtay  kadib shan bilood oo loolan siyaasadeed iyo khilaaf uu hareeyay madaxda dowladda dhexdeeda oo markii danbe keenay in la rido xukuumadii xilka uga horeysay ee uu hogaamin jiray C/weli Sheekh Axmed.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke
Ra’iisal wasaare Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharma’arke

[row][double_paragraph]

Shirarka Golaha Wasiirada ayaa noqday kuwo gabaabsi ah, iyadoo ay hareeyeen maqnaansho iyo rabitaan la’aan dhinaca hogaanka xukuumadda ah. Waxaa kaloo waxqabadkii xukuumadii wiiqay xaalado ammaan iyo dhaqaale darro ay wehliso musuq baahsan oo iska sii socda.

Ad

Labadii Khamiis ee ugu danbeysay ayaan la qaban shirarkii Golaha wasiirada ee toddobaadlaha ahaa markii horeba. Khamiistii 5-ta Maarso waxaa shirkii Golaha wasiirada loo baajiyay sabab aan la ogeyn tiiyoo Ra’iisal wasaaruhu ku sugan yahay Muqdisho, wuxuuna xiligaasi isu diyaarinayay safar uu ku tago Dhuusamareeb, taasoo laga yaabo inay kala muhiimad badnaatay shirarkii Golaha wasiirada.

[/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-3″][/double_paragraph] [/row]

Khamiistii xigtay ee 12-kii Maarso ayaa sidoo kale uu baaqday shirkaasi iyadoo uu dalka ka maqan yahay Ra’iisal wasaaraha. Waxaa kaloo dalka ka maqan oo arrimo caafimaad u jooga dalka Turkiga ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

- Advertisement -

Kusimaha ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu hayay wasiirka cadaaladda Jen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) ayaan iska ku guuleysan inuu shiriyo golaha fulinta ee qarka u saaran fadhiidnimo iyo inuu kala lumo. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Addis iyo Jabuuti socdaal ku joogay toddobaadkii hore ayaa xalay dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib toddobaad uu ka maqnaa, waxayna sida wararku sheegayaan inuu safareo kale ugu bixi doono dalalka Qatar iyo Mareykanka toddobaadkan gudihiisa.

[ad name=”HTML-4″]

Golaha fulinta oo ah awoodda koowaad ee howlaha dowladda hagta ayaa bilowgiisu yahay mid niyad jab ka muuqato, iyadoo wasiirada intooda badan ay degan yihiin hoteelo xaalado ammaan darteed, isla markaana aysan muuqan hogaan isku xiraya howlaha dowladda taasoo rajo xumo kale ku ah hiigsiga cusub iyo rajadii laga qabay in muddada kooban ee harsan wax badan la qabto.

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON