Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray Golihii Adeegga Garsoorka kadib wareegto uu soo saaray madaxweynaha 11-kii Bishan Maarso lagu shaaciyay in Golahani la kala diray iyadoo dhismaha golaha ee jiray ilaa xilligii dowladii Sheekh Shariif aanu waafaqsaneyn Dastuurka KMG ah iyo iyo Sharciga uu dhowaan Baarlamaanku ansixiyay ee dhismaha Adeegga garsoorka.
Wareegtan ayaa la sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin jagooyinka Maxkamadda sare iyo Xeer ilaalinta guud oo ah laba hay’adood oo madaxdoodu xubno ka yihiin Golaha adeegga garsoorka sida uu dhigayo Dastuurka KMG ah. Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inay soo magacaaban xubnaha 7-da ah ee ka dhisan Golaha addeegga cusub.
[ad name=”HTML-4″]
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]