Sii-hayaha Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo loo waday in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha balse xilliyadii ugu danbeeyay laga weecday ayaa lagu qanciyay xil kale oo uu ka qaban doono xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono Cumar C/rashiid Cali oo dhowaan la magacaabay.

Xilka loo magacaabayo Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka mid ahaa laba arrimood oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku raaligeliyay beesha uu ka soo jeedo Xuseen Cabdi Xalane, taasoo ahayd in Axmed Madoobe loo magacaabo madaxweynaha rasmiga ah , maamalka Jubbana loo noqdo dowlad Goboleed rasmi ah iyo in Ra’iisal wasaare ku xigeen laga dhigo Xuseen Cabdi Xalane.,taasoo ay u wehliso jago wasaaradeed oo la filayo in dib loogu soo celiyo wasaaradiisii.
Xukuumadda lagu wado inuu soo dhiso Cumar C/rashiid ayaa u badan wasiiradii xukuumadii hore ee kalsoonida lagala noqday, waxaana isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedkeeda iyadoo ra’iisal wasaare ku xigeeno saddex ah yeelan doonto isla markaana la kordhin doono tirada wasiiradii hore oo aha 25.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa jagooyin badan oo wasaaradeed u balan qaaday xildhibaanno iyo shaqsiyaad ay taageero uga rabeen mooshinkii lagu riday xukuumadda C/weli, iyadoo aan laogeyn sida dhamaan dadkaasi xilal loogu magacaabi doono.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]