Xogta laga helayo hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka ayaa sheegaya in dad loo xirxiray qaraxii qasaaraha badan dhaliyay ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Eedeysanaha ugu weyn ee kiiskan loo hayo ayaa ah nin la sheegay inuu Gaariga kasoo damiintay Koontaroolka Siinka Dheer ee magaalada Muqdisho, ninkaasoo oo markii uu qaraxa dhacay kadib gacanta lagu soo dhigay iyadoo laga hayay muuqaal iyo xiriir.
Gaarigan ayaa ahaa mid xamuul ah oo aad u weyn loona yaqaan TM, kaasoo ka yimid Gobolka Shabeeladaha Hoose, waxaana ku rarnaa waxyaabo qarxa kuwii ugu badnaa oo lagu soo qariyay, iyadoo uu waday is-miidaamiye.
Xogta aanu helay ayaa sheegeysa in sidoo kale kiiskan loo xiray askar ilaalo ka ahayd Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu baaro gaadiidka, waxaana askartan la sheegay inay ku doodeen in gaariga uu baxsaday markii ay ku amreen inuu is toosiyo si loo baaro, kadibna uu halkaasi ka xawaareystay wadaha, ayna rasaas ku rideen balse uu baxsaday.
Kiiskan ayaa baaritaankiisa wuxuu noqon doonaa kii ugu cuslaa ee soo mara hay’adaha ammaanka iyadoo qaraxyada loo adeegsaday su’aal badan ka taagan tahay, isla markaana baaritaanka ay ku soo biireen hay’ado ka socda Mareykanka iyo reer Galbeedka.
Wadani