Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso inay dhammaan la wareegto maleeshiyada Ahlu Suna ee daacadda u ah hoggaamiyaha kooxdaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud Faarax oo ay isku hayaan maamul u sameynta Galmudug.
Qorshahan ayaa ah mid lagu ilko tirayo Macalin Maxamuud iyo kooxda Ahlu suna oo weli heysta maleeshiyo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 500 oo intooda badan ku sugnaa Guriceel, Matabaan iyo degaanada ku xeeran magaalada Dhuusamareeb, waxayna dowladda Soomaaliya la wareegtay taliyihii ciidamada Ahlu suna ee magaalada Guriceel Cabdul Daahir Rooble.
Taliyahan ayaa isaga iyo saraakiil la socota xalay lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ka baxeen magaalada Guriceel oo ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya., waxaana waanwaan dhex martay isaga iyo taliyaha Guutada 15-aad ee qeybteeda 21aad Gen. Mascuud Maxamed Warsame lagu qanciyey inuu ku biiro ciidamada dowladda.
Dowlada Soomaaliya iso kooxda Ahlu suna ayaa weli ka heshiin khilaafka ka taagan Galmudug iyo Doorashada maamulkaasi, waxaana ay dowladda Soomaaliya qaaday tallaabo ay si awood ah ciidamadeeda kula wareegeen degaanadii ay gacanta ku hayeen Ahlu suna.