Friday, May 16, 2025

XOG: Dowladda Soomaaliya oo sirdoonka Ingiriiska siisay haraagii haweeneydii isku qarxisay Hotel Central & Holland oo ka daba timid

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay jirka haweeneydii isku qarxisay hotel Centrale ay u  gacan gelisay sirdoonka Ingiriiska si ay baaritaan ugu sameeyaan iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan xaalada haweeneydaan iyo qaabka ay qaraxa u geysatay.

004

Madaxii haweeneydan oo kaamil ah ayaa ku dhacay hotelka kale ee Naasahablood IIm kaasoo ku dhegan hotelka qaraxu ka dhacay ee Centrale, waxaana la wareegay sirdoonka Soomaaliya, kadibna waxay u wareejiyeen saraakiil ka socota Ingiriiska oo saldhigoodu yahay Safaaradda Ingiriiska ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho, aagga Xalane iyadoo baaritaano ku sameyn doona si loo xaqiijiyo shaqsiyadeeda.

Ad

[ad name=”HTML-2″]

Haweeneydan ayaa ahayd qof ka timid dalka Holland oo sharci ay ka heysatay, waxaana ay hooyo u ahayd  lix caruur ah oo min laba-laba mataane u ahaa sida uu sheegay wasiirka amniga dowladda Soomaaliya, waxaana la xiray dhammaan shaqaalihii kale iyo maamulkii hotelka Central.

Waxaa maanta Muqdisho soo gaaray Safiirka Holland u qaabilsan Soomaaliya Joost Reintjes iyo saraakiil la socota oo la sheegay inay iyaguna doonayaan ku lug lahaanshaha baaritaanka haweeneyda isku  qarxisay hotelka Central, waxayna sida la sheegay dalbadeen inay ka qeyb qaataan baaritaanka kiiska iyo macluumaadka haweeneyda is qarxisay. Qaraxyadii mataanaha ahaa ee 20-kii Bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kuwii ugu qasaaraha badnaa  in muddo ah oo sida qorsheeyayna ay waqti dheer qaadatay iyadoo soo bannaan bixisay heerka ay gaarsiisan tahay awoodda sirdoonka iyo qarax abaabulka Alshabaab.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON