Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xlliga la magacaabayo Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhowaan soo gabagabeeyay la-tashiyadii uu la yeelanayay xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed, iyagoo madaxtooyada la geeyay boqolaal CV oo musharixiin doonaya xilal wasiiro ay leeyihiin.
Xogta laga helayo Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegaya in magacaabidda Golaha cusub ee wasiirada dib loo riixay ilaa xilliga ugu dambeeya ee dastuurku siinayo Ra’iial wasaaraha, taasoo ka dhigan wixii ka dambeeya bartamaha bisha Maarso.
Arrintan ayaa timid kadib loolan badan oo xilalka wasiirada loo galay oo ay ku lug yeesheen shaqsiyaad iyo beelo, wuxuuna go’aansaday Ra’iisal wasaaraha inuu dib u dhigto.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hore uga dalbaday Ra’iisal wasaaraha inuu muddo 15 casho ah ku soo magacaabo xukuumadda cusub, waqtigaas oo dhammaaday hadda.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ku kala duwan yihiin waqtiga lagu dhawaaqayo golaha wasiirada cusub, iyadoo Farmaajo uu doonayo in la dedejiyo magacaabidda xukuumadda.
Wadani.com