Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.
Shirkan ayaa xarunta Villa Hargeysa ka dhacaya, iyadoo uu ka danbeeyay kulamo is daba joog ah oo guddoomiyaha la yeelanayey xildhibannada kala duwan ee Baarlamaanka, madaxda dowladda Federaalka iyo Guddigii la kala diray ee Maaliyadda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hore u sheegay in kala dirista Guddiga Maaliyadda loo eegi doono waxa sharcigu ka qabo, kana hor yimid ciidamada dowladda Federaalka geysay magaalada Baydhaba ayaa wararkii ug danbeeyay sheegayaan inuu aqbalay go’aankii kala dirista guddiga Maaliyadda, isla markaana laga qanciyey arrimihii uu tabanayey.
Arrintan ayaa ka danbeysan kulamo xiriir ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana arrrimaha laga heshiiyay ka mida xaaladda Baydhaba iyo doorashada Maamulka K/Galbeed.
Baarlamaanka ayaa la sheegay in Sabtida la hor geyn doono warbixin ku saabsan sharcinimada kala dirista Guddiga maaliyadda iyo magacaabidda Guddi cusub, iyadoo kulan kale uu Baarlamaanku yeelan doono, kaasoo aan ku saabsaneyn arrimaha guddiga Maaliyadda.