Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Halka laga keeno Qalabka loo adeegsado Qaraxyada Alshabaab fuliso oo la shaaciyay [Akhriso]

    XOG: Halka laga keeno Qalabka loo adeegsado Qaraxyada Alshabaab fuliso oo la shaaciyay [Akhriso]

    November 20, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunaqabateynta hubka ee Somalia iyo Eretria ayaa warbixin ay kasoo saareen dhowaan ku kashifay halka laga keeno qalabka laga sameeyo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

    Warbixinta ayaa sheegtay in Sharikad fadhigeedu yahay dalka Hindiya ay sameyso waxyaabaha qarxa ee inta badan lagu fuliyo weerarrada ka dhaca Soomaaliya. waxayna intaas ku dareen Kooxda dabagalka ee Monitoring Groupin qaraxyadii ugu badnaa ee Sanadihii la soo dhaafay ka dhacayay Soomaaliya lagu fuliyay agabyo waxyaabaha qarxa ah oo lagu farsameeyay Dalka Hindiya, waxaana Al-shabaab loo soo mariyay dhinac Badda.

    Warbixinta kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayey ku sheegeen in bilihii April iyo May ee Sanadkan 2017 ay heleen Waxyaabaha qarxa oo laga soo dhoofiyay Hindiya laguna qabtay Puntland. Qalabka la qabtay ayaa lagu sheegay in ay farsameysay Sharikadda C-Det, taasoo sameysa waxyaabaha qarxa, agabka Korontada iyo Tignolojiyadda.

    Kooxda dabagalka Q/Midoobay ee Monitoring Group ayaa sheegtay in tan iyo 2013-kii ay la ay qalabkaasi Alshabaab uga soo degayeen  inta u dhaxeysa Magaalooyinka Laas-Qoray iyo Qandala Al-shabaab.

    Warbixintu waxay kaloo sheegtay in labo of oo midkood yahay Soomaali, kan kalena ka tirsan yahay Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamuud  iyo Anwar Axmed oo Jabuuti uga diiwaan geshan sirdoon ayaa u sheegay kooxda dabagalka in  Hubka Hindiya lagu farsameeyay ee Al-shabaab loo soo mariyay Dalka Yemen sidoo kalena la soo gaarsiiyay xeebaha Qandalada iyo Laas qorey.

    Waxaa kale oo ay warbixinta xaqiijineysaa in Bangi laga leeyahay Dalka Yemen uu fududeeyay bixinta lacagta xamuulka ah ee Hubka lagu soo daabulo, kaasoo Magaciisa lagu sheegay Salba Islamic Bank oo ku yaalla Sanca.

    Bishii July  ee 2013  Qaraxyo ka dhacay magaalada Marko oo Shabeellaha hoose ah iyo Degmada Hodon ee Muqdisho ayaa Kooxda dabagalku sheegtay inay ka heshay haraadiga qaraxyadaas in ay farsameysay Sharikadda C-Det ee Dalka Hidniya.

    India Monitoring Group Qarax Somalia UN panel
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO CAJIIB AH: Ciidamada lagu tababarrayo Saldhiga Turkiga ee Muqdisho oo la soo bandhigay
    Next Article Taliyihii Qeybta Galbeed ee Booliska Muqdisho oo xilkii laga qaaday [Gacan-ka-hadal dhex maray taliyaha]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo