Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Guddiyada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay isla meel dhigeen qodobo cusub oo laga heshiiyay, kadib wadahadal ilaa xalay saqdii dhexe la isla gaaray oo ka socda dalka Jabuuti.
Qodobadda cusub ee lagu dhow yahay in laga heshiiyo, uguna muhiimsan waa fududeynta isu socodka dadka labada dhinac oo Somaliland ay tanaasul ka sameyneyso caqabadaha ay hor dhigtay dadka labada dhinac oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, iyadoo dood weyn qodobkaani ka dhalatay.
Arrimaha kale ee lagu heshiiyey waxaa ka mida in Somaliland qeybteeda ka hesho dhaqaalaha maamulka Hawada, iyo mashaariicda, isla markaana aan la siyaasadeyn dhaqaalaha dunida ugu deeqo Somaliland, iyadoo dib loo dhaqangelinayo heshiisyadii hore ee dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay labada dhinac kala saxiixdaan heshiisyada cusub iyo kuwa dib loo dhaqan gelinayo.