Qaar ka mida dalalka Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa cadaadis ku saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu faragelin ku sameeyo khilaafka ka dhashay Mooshinkii Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ilo ka tirsan IGAD ayaa laga soo xigtay in cadaadiska Beesha caalamka ay saartay madaxweyne Farmaajo uu isku duba riday Xafiiska IGAD iyo wakiilka u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo.
Madaxda dowladaha sida tooska ah ula soo hadlay madaxweyne Farmaajo kuna tirtirsiiyey inuu khilaafka Baarlamaanka dhex galo waxaa ka mida Kenya oo madaxweyne Uhuru Kenyatta u soo xilsaray wasiirka arrimaha dibadda dlkaas, Jabuuti, xafiiska arrimaha dibadda UK.
Sidoo kale beesha caalamka ayaa madaxweynaha ka dalbatay inuu xaaladda Baarlamaanka ku baxo, iyadoo qoraal ay u direen ku sheegay inay arrintaasi burbur ku keeni karto horumarkii la gaaray sanadkii uu talada hayey madaxweyne Farmaajo.
Cadaadiskan iyo baaqyo madax Soomaaliyeed jeediyeen ayaa ugu danbeyn keenay inuu madaxweynaha hakiyo kulankii Baarlamaanka ee loo balansanaa Sabtida 31-k Maarso, balse aan weli xal loo helin khilaafkii ka dhashay mooshinka.