Mareykanka ayaa xaqiijiyay in duqeyn dhinaca cirka ah ka gaysatay Koonfurta Soomaaliya, taasoo lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
Taliska milatariga Mareykanka u qaabilsan Afrika AFRICOM ayaa sheegay in hawlgalkan la fuliyey isla markaana qiimayn lagu samaynayo natiijada weerarka, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Wararka kala duwan ayaa ka hadlaya inay duqeynta ay ka dhacday degaanka lagu magacaabo Kunyo Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ugu yaraan lagu dilay sarkaal sare oo howlgallada u qaabilsanaa Alshabaab.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in duqeynta Kuunya barrow lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Dheereeya oo Alshabaab ka tirsanaa, ayna jiraan saraakiil kale oo la socotay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Baabuurka la duqeeeyay ay la socdeen shan qof, iyadoo gaariga uu ku bas beelay gantaal ay diyaarad is-wada ku riday.