Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»XOG: Lix Caqabadood oo Farmaajo u dhigay Shirka Teendhada Afisyoone iyo ujeedada ka danbeysa (Akhriso)

    XOG: Lix Caqabadood oo Farmaajo u dhigay Shirka Teendhada Afisyoone iyo ujeedada ka danbeysa (Akhriso)

    March 22, 2021Updated:March 31, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyin cakiray dadaalkii ay Beesha Caalamka waday si shir loogu qabto madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

    Farmaajo oo afar shir oo kadib markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday 8-da Febraayo 2021, ku baaqay afar shir oo ay qaadaceen madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa mar kale isku dayey inuu dhex galo shirka ay qabanqaabineysay Beesha Caalamka, iyadoo halkaas ay ka dhalatay xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran.

    TALLAABOOYINKA FARMAAJO QAADAY WAXAY KALA YIHIIN:

    1- Inuu Farmaajo qaatay ku dhawaaqidda xilliga uu dhacayo shirka wadatashiga ee Beesha Caalamka waday, isagoo aan cidna kala tashan, kadib markii uu talo ahaan Wakiilka Q/Midoobay James Swan ugu soo jeediyey dhinacyada inuu furmo 22-ka Maarso 2021. (Warkan Akhriso)

    2- In taliska Ciidamada Booliska ee Garoonka Muqdisho uu hoos geeyay Qeybta Gobolka Banaadir, halka uu ahaa talis heer federaal ah. (Waxaa sidan loo yeelay inay ku shaqeeyaan amarka Saadaq John oo ah sarkaal si gaara daacad ugu ah Farmaajo).

    3 In Ciidamo Haramcad ah la geeyay xeydaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Waxaana ciidamo iyo saraakiil ay tageen Teendhada Afisyone ee uu shirku ka dhacayo iyagoo sheegay inay hubinayaan xaaladda Goobta. Arrintan waxay abuurtaykalsooni darro iyo qas dhinaca amniga ah, waxaana ciidamadan oo Khmiistii iyoi Jimcihii la geeyay halkaasi dib loo celiyey shalay.

    4- In Saraakiisha Madaxtooyada ay dalbadeen inay ciidamada dowladda qeyb ka noqdaan sugidda xarunta loo qoondeeyay inuu shirku ka dhaco ee Teendhada Afisyone. (Arrintan waxaa ka hor timid AMISOM, waxaana qasab noqotay in wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira uu la hadlo madaxda mucaaradka, xalay saqdii dhexena uu soo saaro damaanad qaad Amniga Garoonka oo dhan).

    5- Inay Madaxtooyada faafisay qabyo qoraalka jadwalka shirka wadatashiga ee Beesha caalamka qabanqaabineyso, iyadoo aan weli la isku waafaqin, kaasoo jahawareer ka abuuray baraha bulshada, isla markaana qasbay inay Puntland beeniso, halisna geliyey qabsoomidda shirka maanta.

    6- Inuu Farmaajo xalay isugu yeeray madaxda taageersan ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay mowqifkiisa ula qaataan, kana horjeestaan dhinaca kale ee ay is hayaan, halkii xal laga sugayey.

    Xogta la helay ayaa sheegeysa in Farmaajo ciyaarayo siyaasad ah inuu abuuro xaalad u diideysa madaxda Puntland iyo Jubbaland inay ka qeybgalaan shirka, kadibna iyagu noqdaan dadka diidan in la shiro ana Doorasho la tago.

    Afisyoone Beesha caalamka Doorashada Farmaajo Shirka Afisyoone
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo iyo qaar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo gaaray Teendhada Afisyone iyo Xaaladii ugu danbeysay
    Next Article Maxay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe u diidan yihiin Shirka Afisyoone..? (Arimaha la isku hayo)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo