Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda ayaa la sheegay inay diideen qorshe uu watay wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Qorshahan ayaa ku saabsanaa waanwaan uu doonayay inuu Micheal Keating ka dhex sameeyo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kadib markii uu tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba, isla markaana Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, halka uu xiriir dhex maray Madaxweynaha Puntland.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu Wakiilka Q/Midoobay u sheegay in arrinta soo kala dhex gashay madaxda maamul Goboleeyda iyo dowladda Federaalka ay si hoose u xalisan doonaan dhexdooda.
Wakiilka Q/Midoobay ayaa la sheegay inuu markaas kadib kulamo la yeeshay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka si uu taageero uga helo qorshihiisa, waxaana war degdeg soo saaray madaxweyne Farmaajo oo madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shir 28-ka Bishan ka dhacaya Muqdisho, taasoo meesha ka saartay doorkii wakiilka Q/Midoobay.
Micheal Keating ayaa garoonka diyaaradaha u tegay inuu la kulmo madaxweyne Farmaajo oo markaas ku sii jeeday dalka Uganda, wuxuuna bartiisa twitterka soo dhigay sawirrada kulamo uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka, inkastoo qorshihiisii socon waayay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxa maamul Goboleedyada ay Wakiilka Q/Midoobay ka dalbadeen inuu soo dhex galo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, kaasoo ay diideen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.