Wararka laga helayo Madaxtooyada Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tegi doono dalka Qatar, isagoo hoggaamin doona wafdi ballaaran.
Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu noqon doono kii ugu ballaarnaa ee uu abid hoggaamiyo, waxaana ka mid noqon doona in ka badan lix wasiir iyo Ganacsato fara badan, iyadoo socdaalkiisu bilaaban doono toddobaadka soo socda.
Socdaalkan oo noqonaya kii labaad ee madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar ayaa ku soo beegamaya iyadoo uu si weyn u xumaaday xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya.
Waxaa muuqata inay dowladda Soomaaliya ay siyaasadeeda arrimaha dibadda u janjeersatay dhinaca dalka Qatar, waxaana laga cabsi qabaa in Imaaraadku soo nooleeyo taageerayaasha Soomaaliya oo ay ku jiraan madaxda maamul Goboleedyada.