Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Mareykanka uu qorshenayo inuu dib u howlgeliyo Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya isla markaana taageerayaal iyo saameyn ku leh gobollada Jubbooyinka.
Saraakiil Mareykan ah ayaa u yeeray Barre Hiiraale oo ka tegay Muqdisho, waxaana wadahadal qarsoodi ah ku dhex maray Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka, waxaana la sheegay in la geeyay saldhi ciidamada Mareykanka ku halkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Mareykanka uu hubeynayo Col. Barre Hiiraale oo qeyb ka noqon doona dagaal weyn oo lagu qaadi doono kooxda Al-shabaab ee ku sugan Jubbooyinka.
Ma cadda ujeedada Mareykanka iyo doorka Barre Hiiraale isagoo aan ka mid ahayn maamulka Jubba, isla markaana aan la dhameystirin heshiis dhex maray Axmed Madoobe.
Waxaa laga cabsi qabaa in Mareykanka dib u soo nooleeyo hogaamiye kooxeedkan taasoo xaaladda dib ugu celisa khilaafa siyaasadeed xilli Mareykanka dhinaca kale ku howlan yahay dhismaha ciidamo Qaran oo ay yeelato Soomaaliya.
Wadani.com