Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah ula wareegtay dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Doorashada dalka, kadib markii la isku mari waayey shir ka furmi lahaa Muqdisho oo lagu saxiixi lahaa heshiis lagu diyaariyay magaalada Baydhaba.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in safiirka Mareykanka uu keenay qorshe dhinacyada diidan shirka Muqdisho lagu weydiinayo inay soo qoraan shuruudaha ay qabaan si shirku u qabsoomo, kadibna ay bilaabato waanwaanta.
Shuruudihii ugu horeeyay waxaa soo qoray oo shaaciyey maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kadibna waxaa xalay shuruudo ka adag kuwii Jubbaland beesha caalamka u diray Puntland, iyadoo maanta la sugayo inay dhinacooda shuruudaha gudbiyaan Midowga Musharixiinta.
Tallaabadaas kadib ayaa wararku sheegayaan in Beesha Caalamka oo Mareykanku horkacayo ay qaadan doonaan qodobadda ugu muhiimsan shuruudaha saddexda dhinac ee ka horjeeda Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo laga dalban doono inuu fuliyo, sidaasina looga gudbo caqabadda hortaagan shirka.
Cadaadiska soo socda ayaa ku wajahan Farmaajo, iyadoo arrimaha ugu culus ee kusoo fool leh ay u badan yihiin saddex ama laga qodob oo kala ah: In shirka Wadatashiga lagu qabto Xalane; Inay shirka goobjoog ka noqdaan qaar ka mida musharixiinta Mucaaradka/ Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo In fulinta Heshiika Doorashada ay noqon doonto mid awood dhexdhexaad ahi gacsan ku yeelato.
