Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo oo ay ka socdaan shirar xasaasi ah oo ay abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirarka ka socda Garbahaarey waxaa hoggaaminaya Gacan-yaraha madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ahna ninka labaad ee Hay’adda NISA u taliya C/llaahi Aden Kulane, waxaana ka qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Gedo iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ee hoostaga dowladda Federaalka.
Farmaajo ayaa u muuqda inuu si toos ah gacanta ula galay arrinta Garbahaarey oo ay isku qabteen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo hadda lagu qancinayo guddoomiyaha Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi inuu xilka banneeyo, lana magacaabo guddoomiye cusub oo dadka degaanka ay iska soo xulaan.
Guddi ka socda maamul Goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu tagaan Garbahaarey, kadib shirkooda magaalada Baydhaba; iyagoo kulamo la yeelan doona dadka degaanka iyo madaxda Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka hoostaga.
Lama oga sida ay arrintan ugu qanci doonaan Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Jubbaland, iyadoo ay tallaabada Madaxtooyada Soomaaliya qaaday hordhac u tahay shirka Guddiga Farsamada dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga furmay magaalada Baydhaba.


