Ra’isal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashid oo ku sugan magaalada Garowe, dadaalna ugu jira isku day kale oo Puntland looga dhaadhiciyo qaabka doorashada aakhirka sanadkan lagu wado inay ka dhacdo dalka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda maamul Goboleedkaasi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Ma jirto wax war ah oo ka baxay kulanka Faroole iyo Cumar C/rashiid, waxaana la rumeysan yahay in Faroole ka mid yahay culeysyada ugu weyn ee heysta maamulka Puntland ee diidan nidaamka awood qeybsiga 4.5, isagoo hore u sheegay in Madaxweyne Gaas aanu 4.5 u qaadi karin Puntland.
Xog la helayo kulanka ayaaa sheegaysa in C/raxmaan faroole ku adkeystay inaan marna la aqbali karin qaabka doorashada lagu saleynayo 4.5, isagoo dhaleeceyn kala dul dhacay madaxweynaha Soomaaliya, laakiin Cumar C/rashiid ayaa si cad ugu sheegay C/raxmaan Faroole in diidmada 4.5 ay Puntland gelin karto go’doon iyo in wixii ka xumaada geedi socodka doorashada ay qaadi doonto Puntland.
Kulanka oo la isku mari waayay ayaa Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan Faroole ay ku kala tageen, iyadoo kulamo kale la isugu soo laaban doono, ayna ku biiri doonaan wakiilo ka socda beesha caalamka.
Wadani.com