Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mida siyaasiyiinta, odayaasha, xildhibaannada labada Gole qaarkood iyo qeybaha Beesha Muddulood, iyadoo ay ka baaqsadeen mas’uuliyiinta Beeshaasi ugu jira xukuumadda, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo siyaasin kale oo caan ah.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in shirkan ay saameyn ku lahaayeen madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiya Madasha Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo qabanqaabadiisa ay wadeen xubno ay ugu horeeyaan Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), Ex. xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Shiiraar iyo xubno kale.
Shirkan waxaa markii ugu horeysay ka shaaciyey Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu dhowaan ka hadlayey Mowlaca Macalin Nuur, laakiin waxaa lagu waday inuu noqdo shir loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan xubnaha beeshan ugu jira Golaha Wasiirada iyo guddoomiyaha G/banaadir.
Wararka ayaa sheegaya inay guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wakiil ka ahaa xubnaha Golaha wasiirada ugu jira Beeshan uu dalbaday in dib loogu dhigo shirka, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo ay dalka ka maqan yihiin dhammaan xubahaasi, balse guddiga qabanqaabada ay diideen codsigaasi.
Wasiirka Amniga Xildhibaan Maxamed Abukar Islow, Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan iyo Wasiir kuxigeenka Dekaddaha Cismaan Maxamed Daallo ayaa dhammaan la sheegay inay dalka ka maqan yihiin, iyagoo codsaday in shirka dib loogu dhigo, balse arrintaasi ay ka socon weyday Guddiga qabanqaabada oo sheegay inaan la baajin karin kulanka.
Dadaalkii ugu danbeeyay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish u galay inuu arrintan xal u helo ayaa xalay fashilmay markii Guddiga qabanqaabada iyo Odayaasha dhaqanka oo markii hore aqbalay dib u dhigista kulanka ay markii danbe ku adkaatay, taasoo shirka ka dhigtay mid aan loo dhammeyn.
Waxaa kaloo shirka aan ka qeyb gelin siyaasiyiinta taageersan dowladda Soomaaliya sida Ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, siyaasiga Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale, iyagoo uga baaqsaday in shirkaasi ahaa mid ay hoos ka wadeensiyaasiyiin Mucaarad ah.