Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa taageero ka helaya Musharax aan la fileyn oo ka mida Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Macalimuu oo shalay 27 Febrayo 2022 ayaa shalay kusoo baxay kursiga HOP068 ee Baarlamaanka Federaalka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne. (Halkan ka akhriso)
Sida xogta lagu helay Ra’iisal wasaarihii hore Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa taageero siiyey xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaasoo la sheegay inay qeyb ahaan u suuragelisay inuu kursigaasi hanto, waxaana dhaqaalaha intiisa badan loo adeegsaday kharashaadka Doorashada, is-diiwaangelinta, safarrada iyo ololihiisa.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale looga mahadceliyay taageerada uu la garab istaagay Macalimuu, halka Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu gacan ka geystay xaaladiisa caafimaad ee loo geeyay dalka Turkiga.
Afhayeenka xukuumadda oo kasoo kabanaya dhaawac kasoo gaaray qarax is-miidaamin ah Alshabaab la beegsatay ayaa hadda ku guuleystay inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.
