Waxa maanta magaalada Garowe ee xarunta Puntland lagu doortay xildhibaanadii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, iyadoo ay kuso baxeen dhammaan xubnihii la filayey.
Inta badan Musharixiinta waxaa diyaarsaday madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ah musharax u taagan Madaxweynaha Soomaaliya, waxaase ka badbaaday laba musharax oo maanta la doortay, kuwaas oo xaalado kala duwan ay kentay inay xilalkaasi hantaan, iyadoo aanu raali ka ahayn Siciid Deni.
HOP#166: Kurisgan waxaa ku soo baxay Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir) oo hore u soo noqday Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliy, dowladii Cabdullaahi Yuusuf, kana soo jeeda Beesha Maxamed Muu’min /Leelkase. Wuxuu taagereo buuxda ka heystay Siciid Deni.
HOP#196: Kursigan waxaa kusoo baxay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo kasoo jeeda Jufada Nuur Axmed / Dhulbahante, wuxuuna taageero buuxda ka heystay Madaxweynaha Puntland
HOP#200: Kursigan waxaa kusoo baxay Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo kursigan hore ugu fadhiyay, kana sooo jeeda Beesha Ciise Maxamuud/Majeerteen. Xildhibaan Cali Xoosh waxaa kursiga u xiray Isimka Beeshiisa Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, taasoo ka hor istaagtay, kana badbaadisay faragelin uga timaada Siciid Deni.
HOP#235: Waxaa kursigan kusoo baxay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya, kana soo jeeda Beesha Naaleeye Axmed / Dhulbahante. Wuxuu taageero ka helay madaxweyne ku xigeenka Puntland, sidaasoo uu ku badbaaday, iyadoo lagu tiriyo tageerayaasha Farmaajo.
HOP#249: Waxaa kursigan kusoo baxay Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiru dowlaha Waxbarashada Puntland oo soo jeeda Beesha Hayaag/Dhulbahante. Waxaa musharaxan watay Madaxweynaha Puntland
