Iyadoo uu weli socdo shirka Muqdisho ee Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ayaa soo baxaya isbedello saacadihii ugu danbeeyay ku yimid shirka oo ay ku biiraa xalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo Sii-hayaha Ra’iisal Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.
Wararka laga helayo xubno ku dhow madaxda shirka ka qey galaysa ayaa sheegaya in si weyn la isugu hayo qoddobo ka mid ahaa heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb III, iyadoo ilaa 4 qodob isbedel lagu sameeyay, isla markaana qodob ka mid ahaa heshiiskaasi laga saaray, balse in lagu wada heshiiyo ay harsan tahay.
Shirkii xalay ayaa lagu soo gabagabeeyay inta badan doodihii ka taagnaa qodobadda heshiiska Doorashada, waxaana gebi ahaan meesha laga saaray qodobka ku saabsan in Doorashada lagu galo Nidaam Xisbi, taasoo la isla qaatay inaan loo diyaarsaneyn.
Arrintan degaan Doorashada oo ahay qodob adag ayaa meel dhex la isugu yimid, iyadoo lagu saleeyay inay doorashadu ka dhacdo Caasimadaha maamula Goboleedyada iyo laba magaalo oo kale, halka tirada ergada oo ku wareegeysay 101 ilaa 151 ay u badan tahay 101 in la qaato.
Qodobka ugu weyn ee jiitamaya ayaa noqday maamulka Doorashada iyo Kaalinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxaana madaxweyne Farmaajo si adag u difaacay inuu Guddiga ay hoggaamiyo Xaliimo Yarey maamul Doorashada.
Maamul Goboleedyada ayaa raadinaya inay Guddiyo Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah ay maamulaan Doorashada, iyadoo Guddiga Doorashooyinka Qaran u ogol door kooban, waxaana weli socda sidii loo qeexi lahaa arrintan.
