Kulan xasaasi ah ayaa maanta dhex maraya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo ku saabsan Xaaladda ka taagan Doorashada 2021.
Beesha Caalamka oo dadaal xoog leh ku bixisay sidii loo qaban lahaa shir ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka, taasoo uu ka biyo diiday Madaxweyne Farmaajo, shuruudna uga dhigay in marka hore ay Puntland iyo Jubbaland magacaabaan Guddiyada Doorashada maamulladooda, taasoo ay beesha caalamka ku qancisay.
Qodobka ugu adag ee maanta ay wakiilada Beesha Caalamka kala hadlayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ah qabashada kulan degdeg ah oo dhex mara isaga iyo madaxda maamul Goboleedyada, iyagoo doonaya inuu aqbalo, isla markaana soo saaro xilliga kulankaasi lagu qabanayo Muqdisho maalamaha soo Socda.
Beesha Caalamka iyo Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqay shirka degdega ah ee lagu xalinayo caqabadaha hortaagan Doorashada, waxaa sidoo kale ku baaqay shirka inuu qabsoomo 30-ka Janayo 2021 madaxda Puntland iyo Jubbalnad. Waxaa shirka ciriiri geliyey oo arrinta uga sii daray Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa oo diideen Guddiyadii ay magacaabeen Puntland iyo Jubbaland, isla markaana Farmaajo uu saxiixay 13 kursi oo Gobolka Banaadir ku yeelanayaan Aqalka Sare.
Beesha caalamka ayaa hore u diiday in heshiiska Doorashada ee 17-ka Septembar dib loogu noqdo ama la furfuro, waxayna caddeysay inay kaliya furan tahay sidii loo fulin lahaa iyo xalinta caqabadaha hortaagan in doorasho heshiis lagu yahay la aado.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ah kii ugu dambeeyay oo lagu ogaanayo rabitaanka Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa sharciga ah ay ka harsan tahay in ka yar 10 maalmood, iyadoo kulankan uu ka duwan yahay wadahalladii hore iyo kulamadii hore xaalada adag ee dalka ka jirta darteed.
