Thursday, May 15, 2025

XOG: Qodobo Shuruudo ah oo Beesha Cadaado ku xirtay madaxweyne Xasan Sheekh

Iyadoo degmada Cadaado ay buux dhaaftay ayna ku sugan yihiin ergo fara badan musharixiin aan tiro yareyn, maamulo kala duwan iyo beelo is eegaya oo ay wehliyaan ciidamo kala heer ah oo kala duwan ayaa hadana waxaa ka socda magaalada wadahadallo faraha looga gubtay oo lagu doonayo in lagu furo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Sida madaxweynaha ku qabsatay Dhuusamareeb markii uu isku dayay inuu soo xiro shirkii halkaasi ka socday iyo xeer jajabkii uu la galay beesha Dhuusmareeb ayaa fure u noqday is mari waaga iyo heshiisyada hoose ee beel waliba dooneyso inta aanu shirka furmin inay fursado waaweyn kala harto dowladda Federaalka.

Cadaado-Ysuuf

Ad

[ad name=”HTML-1″]

Beesha Cadaado ee marti gelineysa shirka ayaa shuruudo adag hor dhigtay madaxweynaha kuwaasoo in la fuliyo ay ku xiran tahay inuu furmo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, shuruudahaas waxaa ka mida:

1. In Madaxweynaha maamulka Gobollada dhexe la siiyo Beesha muddo 2 sano oo KMG ah

- Advertisement -

2. In dowladdu dib u dhis ku sameyso degmada Cadaado.

3. In dekadda maamulka ay noqoto degaanka Beesha

ama shuruuda u danbeysa ah inuu ka noqdo caasimada uu ku magacaabay Dhuusamareeb.

Shuruudahan ayaa daba jooga arrintii dhibaatada ka dhalatay magacaabidda Dhuusamareeb inay noqoto caasimada maamulka Gobolada dhexe, taasoo Xasan Sheekh kaga dhawaaqay Dhuusamareeb 7-dii bishan.

- Advertisement -

Shuruudahan ayaa ah kuwo aad ugu adag madaxweynaha oo uu ku guuldarreystay inuu muddo 24 saacadood ah ka qanciyo, waxayna xaaladu mareysaa meel adag oo odayga hoos geysay naxariista damaca beeleed iyo kan kooxeed ee Cadaado ka dhashay kadib markii uu yeelay shuruudihii beesha Dhuusamareeeb.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON