Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inay musharixiin kasoo jeeda hal jufo ay isugu soo hareen cidda loo magacaabayo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muddo laba toddobaad ah waday dadaal uu ku doonayey inuu kusoo xusho Ra’iisal wasaarihii labaad ee dowladiisa waqtiga ka dhammaanayo, wuxuuna kulamo la yeeshay musharixiin iyo dad isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin kal wata musharixiin kala duwan.
Xilka Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa awood qeybsi ahaan waxaa u leh Beesha Hawiye oo ay qasab tahay inuu Madaxweyaha qof ka mida u magacaabo, laakiin waxaa hadda miiska saaran oo xilkan isugu soo haray musharixiin kasoo jeeda Jufada Sacad ee Beesha H/Gidir.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa xilkan in loo magacaabo ugu dhowaa Hanad C/llaahi Axmed Caddow oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dalka keentay, waxaa mar kale soo shaac baxay magaca Hanad C/llaahi Xasan, laakiin waxaa hadda safka hore ku jira oo ugu cadcad C/naasir Cabdulle Maxamed oo sanadkii 2016 isu sharxay xilka Madaxweynaha, ayna dhinac qaraabo ka yihiin Madaxweyne Farmaajo.