Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: QoorQoor iyo Guudlawe oo ogolaaday Shirka Afisyoone iyo Shuruudihii Midowga Musharixiinta

    XOG: QoorQoor iyo Guudlawe oo ogolaaday Shirka Afisyoone iyo Shuruudihii Midowga Musharixiinta

    March 17, 2021Updated:March 17, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulan casho sharaf ahaa oo qaatay saacado badan ayaa xalay dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe iyo xubno ka mida Midowga Musharixiinta.

    Waxaa kulanka dhinaca Musharixiinta uga qeyb galay: Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Daahir Maxamuud Geelle, waxaana si weyn looga dooday arrimaha dhex yaallay labada dhinac iyo khilaafka Doorashada.

    Xogta laga helay kulanka ayaa sheegaya in dood dheer kadib ay Qoorqoor iyo Guudlaawe ka garaabeen sidii aysan mowqif uga qaadan wixii dhacay 19-kii Febraayo 2021, isla markaana ay ogolaadeen ka qeyb galka shirka Afisyoone iyo inay ka shaqeeyaan sidii Farmaajo loogu qanci lahaa inuusan faragelin doorashada iyo inuu qoro warqad uu ku caddeynayo xadeynta awoodihiisa xilliga kala guurka.

    Dooda dhex martay labada dhinac ayaa timid, kadib markii Madaxweynaha Galmudug oo kulan casho ah ugu yeeray xubnaha ka socday Musharixiinta, waxaana si kulul looga dooday xaaladda dalku marayo iyo sida madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle u gabeen kaalintii ay ka sugayeen dadka ay metelaan, kuna dhacday in doorkaasi ay ka qaataan Siciid Deni iyo Axmed Madooobe.

    Lama oga sida ay u hirgelin doonaan ballanqaadyada cusub ay sameeyeen Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo maamul Goboleedyada taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa marar badan oo hore dhacday inuu isbedelay Qoorqoor oo marna qaatay dhexdhexaadnimo, kadibna la saftay dhinaca Farmaajo.

    Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Beesha Caalamka cadaadis xoog leh saareyso Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka si dalku ugalo doorasho, loogana gudbo is-mari waaga soo taagnaa ilaa bishii Septembar 2020.

    Axmed Qoorqoor Cali Guudlaawe Doorashada Midowga Musharixiinta Musharixiinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQorshe lagu kala saarayo Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyay Jen. Odowaa iyo Taliyaha Ciidamada Dhulka
    Next Article DEGDEG: Maxkamadda ICJ oo waqti u qabatay Dhageysiga ugu danbeeya ee Qareenada Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo