Iyadoo la sugayo go’aannada shirka Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqan yihiin madaxda labada maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa soo baxaya xog ku saabsan sababta uu Madaxweyne Farmaajo u daahiyey magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub.
Xog hoose oo aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qorsheystay nooca Doorasho ee uu doonayo inay dalka ka dhacdo, isla markaarina qorshahaas uu ka mid noqon doono howsha uu fulin doono Ra’iisal wasaaraha cusub, sidaas darteedna aanu magacaaabi doonin Ra’iisal wasaare inta uu qorshihiisa ka meel marinayo shirka Dhuusamareeb 3.
Qorshaha Doorasho ee Madaxweyne Farmaajo doonayo oo ku saleysan in muddo laba sano loogu daro dowladda hadda jirta ayaa qeyb ka ah magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub oo Baarlamaanka horgeyn doono in xukuumada cusub la siiyo muddo ay ku qabato Doorasho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa degdeg u tegay magaalada Dhuusamareeb 15-kii Ogost 2020, si shirka Dhuusamareeb 3, isagoo ujeedkiisu aha inuu dhaqso ugu dhammaado shirka, balse waxaa caqabad ku noqday maqnaashaha madaxweynayahasha Puntland iyo Jubbaland.
Xaaladda soo wajahaday qorshaha Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay ku qasabto inuu Baarlamaanka u diro qoraal uu uga codsanayo in loo kordhiyo xilliga magacaabista Ra’iisal wasaaraha haddii shirku daba dheeraado oo cadaadiska Beesha Caalamka kusii kordho.
Dadaalka ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda ah inuu shirka Dhuusamareeb 3 soo dhammaado laguna ansixiyo qorshaha Doorasho ee uu wato, inkastoo uu wajahayo culeys uga imaanaya beesha caalamka iyo madaxda ka maqan shirka.
