Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay hakisay lacag ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya oo lagu waday in soo gaarto dowladda Federaalka.
Lacagtan ayaa dhan 50 Milyan oo Doolar, waxaana Boqorka Sacuudiga ugu deeqay dowladda Soomaaliya markii ay ka codsatay in laga taageero kabidda Miisaaniyadda dowladda oo aan i bixin karin.
Iyadoo lacagtan la filayay inay muddo hore soo gaarto dowladda Federaalka ayaa dib u dhac soo wajahay, waxaana wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galay shirkii Mareykanka iyo Dalalka Islaamka lagu wargeliyay in Sacuudigu direen lacagtaasi.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Sacuudigu hakiyay lacagtaasi, kadib markii dowladda Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka ka dhex taagan dalalka Sacuudiga, Imaaradka iyo Dalka Qatar.
Mashaariic fara badan oo dowladda Sacuudiga la filayay inay maalgeliso oo lacag gaareysa 4 Bilyan oo Doolar loogu talogalay ayaa laga cabsi qabaa inay jidkaasi markaan oo Sacuudigu la noqdo.
Dhinaca kale dowladda Qatar oo iyaduna hore u ballan qaaday inay Miisaaniyadda ka taageereyso ayaa la sheegay inay taageero dhaqaale u balanqaaday dowladda Soomaaliya.
Wadani