Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Sidee Ahlu suna u eersatay kalsoonidii ay saaratay Mareykanka? (Halistii saacadihii ka horeeyay Doorashada Qoorqoor?)

    XOG: Sidee Ahlu suna u eersatay kalsoonidii ay saaratay Mareykanka? (Halistii saacadihii ka horeeyay Doorashada Qoorqoor?)

    February 5, 2020Updated:February 8, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Ahlusuna ayaa shuruud ka dhigtay heshiiskii ugu danbeeyay ee ay la gashay Xukuumadda Soomaaliya inuu Mareykanku damaanadqaade ka noqdo oo aysan isku aamini karin dowladda Federaalka, kadib heshiisyo hore oo ay uga baxday iyo qaar ay fulin weyday.

    Arrintan oo ay aqbashay xukuumadda Soomaaliya ayaa keenay in heshiiska 20-ka xildhibaan lagu siiyey Ahlu-suna ee ay wada gaareen dowladda Soomaliya iyo Ahlu suna ay Safaaradda Mareykanka qeyb ka noqoto, waxaana heshiiskaasi soo dhoweeyay siyaasiyiinta mucaaradka oo beesha caalamka, siiba Mareykanka uga mahad celiyey kaalintii uu ka qaatay.

    • C/raxmaan C/shakuur oo Beesha Caalamka oo kaliya uga mahad celiyey heshiiska Ahlu suna & dowladda Somalia

    Ahlu suna ayaa magacawday 20-kii xildhibaan ee laga siiyey Baarlamaanka Galmudug, waxayna liiska magacyada xildhibaannadaasi u dirtay safaaradda Mareykanka, iyadoo aysan ka war heynin xukuumadda oo liiskaasi ka heshay Safaaradda Mareykanka. Tallaabadan ay qaaday Ahlu suna ee magacaabiddaiyo shaacinta liiska xildhibaanada la siiyey, waxay jahawareer ka dhex abuuray beelaha Galmudug oo ay muddo qaadatay in lagu qanciyo inay aqbalaan xildhibaannada Ahlu suna.

    Akhriso: Liiska Magacyada 20-ka Xildhibaan ee Ahlu suna soo xushay & Beelaha ay kasoo jeedaan [AKHRISO]

    Kadib doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo Ahlu suna looga adkaaday musharixiintii ay wadatay, waxaa dhashay khilaaf ay abuureen xubnihii Ahlu suna uga mid noqday Guddiga Doorashada, waxaana intaasi socday diidmada Ahlu suna uga hor timid Doorashada, kana baxday hannaankii maamul u sameynta Galmudug, laakiin safaaradda Mareykanka ee ay damaanadqaade ka dhigteen ayey ku qancin waayeen khilaafka cusub ee ay bilaabeen.

    Ahlu suna waxay sii xoojisay olole ay ku dooneysay inay ku fashiliso doorashada ay dowladda Federaalka qabanqaabisay ee Madaxweynaha Galmudug, waxayna xaaladu meel halis ah gaartay Galabtii Sabtida ee 1-da Febraayo 2020 oo saacado ka harsanaayeen Doorashada Madaxweyne Qoorqoor ku soo baxay, markii C/samad Macalin Maxamuud- oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu-suna- la xiriiray safaaradda Mareykanka, una sheegay digniinta Ahlu suna ee ahayd inuu dagaal ka dhici karo Magaalada Dhuusamareeb haddii ay dowladda Soomaaliya ku adkeysato Doorashada.

    • Sheekh Max’ed Shaakir oo Beesha Caalamka ku wargeliyay inay Dagaal qarka u saaran tahay Dhuusamareeb. (Akhriso)

    Ahlu suna waxay farriintii hanjabaadda dagaal ahayd oo qoraal ah markiiba u dirtay safaaradda Mareykanka iyo wakiilada beesha caalamka, iyadoo qoraalkaasi lagu baahiyey baraha bulshada; balse jawaab aan lala soo daahin oo adag ayey safaaradda Mareykanku bixisay, iyadoo Ahlu suna si toos ah iyo si dadban ugu digtay inay qalalaase ku dhaqaaqdo.

    Go’aanka Mareykanka kadib waxay Ahlu suna ku dhici weyday, kana tanaasushay carqaladeyn hubeysan oo ay dooneysay inay ku fashiliso Doorashadii 2-da Febraayo ka dhacda magaalada Dhuusamareeb, taasoo lagu doortay musharixii ay dowladda Soomaaliya wadatay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyadoo daqiiqado kadibna uu aqoonsaday Mareykanka, Safiir Yamamoto-na u diray hambalyo.

    • Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Digniin u diray Ahlu suna, kadib Qoraalkii kasoo baxay Sh. Max’d Shakir

    Rasaas iyo qalalaase ka dhaca Dhuusamareeb saacado ka hor doorashadii Madaxweyne Qoorqoor waxay dowladda Soomaaliya uga dhigneyd fashil iyo ceeb siyaasadeed oo arrinta Galmudug u bedeli kartay meel dhiig ku daato, waxayna magaalada la ciirciireysay xiisad iyo ciidamo fara badan, laakiin waxaa badbaadiyey Mareykanka.

    C/raxmaan C/shakuur oo Beesha Caalamka oo kaliya uga mahad celiyey heshiiska Ahlu suna & dowladda Somalia
    Liiska Magacyada 20-ka Xildhibaan ee Ahlu suna soo xushay & Beelaha ay kasoo jeedaan [AKHRISO]

    GOOBJOOGE

    Beledxaawo C/rashiid Janan Doolow Gedo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleArday ku xaniban Shiinaha: C/raxman C/shakur oo Dowladda ka dalbaday Gurmad & Xildhibaan Fiqi oo eedeyn u jeediyey.
    Next Article Alshabaab oo War yaab leh kasoo saartay Ganacsade ay ku dishay Suuq ku yaala magaalada Muqdisho.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo