Fulintii Qodobkii ugu horeeyay ee Heshiiskii labaad ee Doorashada ayaa dib ugu dhacay toddobaadkii labaad, iyadoo heshiiska ay ku caddeyd in lagu dhaqan gelinayo muddo 5 maalmood ah.
Wax ka bedelka iyo magacaabidda Guddiyada khilaafka ka taagnaa ayaa lagu heshiiyey in lagu fuliyo ilaa dhamaadka bishii May 2021, laakiin maalintii tobnaad ayaanu weli dhaqan gelin qodobkaasi, iyadoo aan xal loo helin, welina ay socoto howsha guddigii Ra’iisal wasaaraha u saaray arrintan oo loo gudbiyey 67 xubnood oo cabasho lag qabo.
Madaxda maamul Goboleedyada hore u taageersanaa Madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kala ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaan dib usoo magacaabin guddiyadii Doorashada.
Xogta la helay ayaa sheegaysa inaysan Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe aysan diyaar u ahayn magacaabidda guddiyo cusub, balse ay bedelayaan xubnaha la xaqiijiyo inay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada.
Qaar ka mida madaxda saddexdan maamul Goboleed ayaa laga soo xigtay inay kaliya bedeli doonaan xubno kooban haddii xaqiijin loo helo oo xafiiska ra’iisal wasaaraha caddeymo u keeno inay ka mid yihiin ciidmaada ama shaqaalaha dowladda Federaalka.
Puntland iyo Jubbaland oo hore u magacaabay Guddiyo Doorasho ayaa dib u soo magacaabay Guddiyo cusub, waxaa kaloo qeybtii kusoo aaday soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare, laakiin waxay wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha uu cadaadis kala kulmayo Madaxooyada Soomaaliya.
