Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»XOG: Sidee Ra’iisal Wasaare Kheyre arrimaha Ciidamada ugala wareegay Madaxweyne Farmaajo ?

    XOG: Sidee Ra’iisal Wasaare Kheyre arrimaha Ciidamada ugala wareegay Madaxweyne Farmaajo ?

    March 31, 2019Updated:April 6, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya waa taliyaha ugu sareeya ee ciidamada Qalabka sida, waana mas’uulka ay hoos tagaan dhamaan talisyada ciidamada milateriga ee dalka, isagoo wajibaad dastuuri ah ka saaran yahay ciidamada.

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la doortay 8 Febraayo 2017, ballanqaadyadiisii ugu waaweynaa waxaa ka mida ahaa dib udhiska ciidamada iyo fallaagada Alshabaab lagu soo afjaro muddo 2 sanadood ah, taasoo su’aalo badan ka yimaadeen kadib mudaddii uu qabsaday markii ay dhammaaday.

    Farmaajo wuxuu u howlgalay dib u habeynta ciidamada dalka oo muddo dheer ahaa kuwo kala firirsan oo lagu guuleysan waayey in laga dhigo ciidamo Qaran, taasoo keentay inuu xarun ka dhigto Wasaaradda Gaashaandhigga, kana bilaabo isbedelka dib u habeynta ciidamada.

    Waxqabadka madaxweynaha ee dib u habeynta ciidamada ayaa noqday mid kooban muddo sanad iyo bar ah oo arrintan uu ku dhex jirayna waxaa ku adkaaday inuu wax weyn ka qabto howshii ugu adkeyd ee dowladiisa, marka laga reebo hoggaanada ciidamada oo la yareeyay iyo ciidamo cusub oo la qoray sida guutada 14-ka Oktoobar.

    Image may contain: 8 people, people standing

    Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xogta ay heshay Wadani.net waxay sheegeysaa inay kala qeybsadeen shaqada oo madaxweynaha loo xil saaray ciidamada, laakiin 2 sano kadib waxaa la arkay iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre faraha la galay arrimaha ciidamada.

    Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha uu dib u habeynta ciidamada ku wareejiyay Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ay ugu wacan tahay arrimaha soo socda;

    1- Dib u habeynta ciidamada oo noqotay mid ku adag Madaxweynaha.

    2- Saraakiisha iyo ciidamada u baahan in la wajaho oo ku sugan Gobolka Banadir iyo labada Shabeelle, kuwaasoo u badan qabiil gaara oo madaxweynaha eed uga imaan karto.

    3- Beesha Caalamka oo Ra’iisal wasaare Kheyre ka door biday inuu hoggaamiyo dib u habeynta ciidamada.

    Image may contain: 1 person, sky and outdoor

    Arrimahan oo dhan waxay keeneen in Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa ay gacanta la galaan arrimaha ciidamada, waxaana si toos ah uga shaqeynaya wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

    Diiwaangelinta ciidamada oo ahayd arrinta ugu adag ee hortaalla dowladda ayaa hadda gabagabo ku dhow, waxaana qorshaha dib u habeynta ciidamada ee uu wado Ra’iisal wasaare Kheyre soo dhoweeyay beesha Caalamka, iyadoo faahfaahin laga sugayo inuu ka bixiyo shirar ka dhacaya magaalada Washignton ee dalka Mareykanka.

    Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
    Diyaarintii: Wadani.net
    Farmajo Kheyre Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabab oo Fagaare ku toogatay Afar nin oo lagu eedeeyay basaasnimo [Magacyada]
    Next Article Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo xilka laga ereyay & Madaxtooyada oo War…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo