Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Sidee u dhicisoobay inqilaabkii Farmaajo u abaabulay RW Rooble..? (Saddex sabab oo dhaliyay fashilka)

    XOG: Sidee u dhicisoobay inqilaabkii Farmaajo u abaabulay RW Rooble..? (Saddex sabab oo dhaliyay fashilka)

    December 28, 2021Updated:December 28, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saacad ka hor aadaanka salaadda subax ee xilliga Muqdisho 27-kii Disembar 2021, waxaa Madaxtooyada Soomaaliya oo aan laga seexan ka socday qorshe shaqo ka joojin iyo eryid Ra’iisal Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Isla waqtigaas waxaa baraha bulshada ee Madaxtooyada lagu shaaciyey go’aankii uu Maxamed C/llaahi Farmaajo shaqada uga joojiyey Ra’iisal wasaaraha, isagoo sabab uga dhigay baaritaan lagu hayo boob dhul lagu soo eedeeyay iyo inuu ku fashilmay qabashada Doorashadii loo xilsaaray.

    Wareegtada (Halkan ka Akhriso), inkastoo aysan wadan sharciyad oo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday iyo mid sharci ahba aanu xil ka joojin karin Ra’iisal wasaaraha, haddana Farmaajo iyo kooxddiisa waxay qorsheeyeen inay adeegsadaan awood ciidan si ay u fuliyaan go’aankaasi halista badan.

    Subaxnimadii Isniinta waxaa lagu waabariistay xaalad milateri oo ka taagan Madaxtooyada, waxaana ciidamada ilaalada ee Koofiyad Casta ay galeen xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyagoo kasoo saaray shaqaale kooban oo ku jiray, kadibna waxaa bilowday fulintii qorshaha shaqo ka joojinta Rooble iyo inqilaabkii.

    Rooble oo degan guri ku dhow Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyey xaaladda ka jirta xafiiskiisa iyo ciidamada la wareagay, kadibna wuxuu la hadlay taliyeyaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska si ay xaaladda u qiimeeyeen.

    Taliyaha Milateriga Odowaa Yuusuf Raage oo Madaxtooyada gaaray ayaa loo diiday inuu ilaaladiisa la galo madaxtooyada, waxayna ciidamadii Koofiyad Casta ula dhaqmeen si aanu fileyn, markii gudaha loo ogolaaday isgoo keligiis ahnam wuxuu Xafiiskiisa u tegay Maxamed Farmaajo.

    Gen. Odowaa iyo Farmaajo waxaa dhex maray wadahadal ku saabsan xaaladda ka jirta Madaxtooyada, wuxuuna Farmaajo u caddeeyay in Rooble shaqada laga joojiyey, isla markaana aanu soo geli karin xarunta Madaxtooyada. Odowaa ayaa Odayga u sheegay xaaladda ciidamada uu amarka siiyay iyo inaanu isku halleyn karin, tallaabadaasina halis keeni karto.

    Rooble awuxuu ku adkeystay inuu tegayo xafiiskiisa, waxay xaaladu gaartay beesha calaamka iyo AMISOM oo xiriir la sameeyay Farmaajo iyo Rooble. AMISOM ayaa soo dirtay ciidamo lagu xoojinayo amniga Ra’iisal wasaaraha oo halis looga baqay inuu dhex galo.

    Taliyaha Booliska, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku biiray taliyaha Milateriga oo u tegay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku adkeystay inuu tegayo xafiiskiisa, taasoo keentay inay soo garab galaan oo lug ku galaan Madaxtooyada.

    Ciidamadii ilaalada Ra’iisal wasaaraha qeyb ka mida ayaa ku hor martay xafiiskiisa, mana jirin wax iska hor imaad ah oo uga yimid ciidamadii Farmaajo ka amar qaadanayey. Ilaaladii Rooble ayaa si degdega ula wareegay xafiiska, waxayna dhufeys ka sameysteen dusha sare ee xafiiskiisa oo ay la fuuleen qoryaha Boobayaalsha culus, halkaas oo ay ka dhalatay halis ku foorarta xafiiska Farmaajo oo wax yar u jira.

    Ciidamadii Madaxtooyada ee amarka lagu siiyay inay Ra’iisal wasaaraha ka celiyaan xarunta madaxtooyada ayaa intooda badan ka hor yimid amarkii Farmaajo, waxaana daqiiqo kadib yimid Ra’iisal wasaaraha Rooble oo ay la socdaan ilaaladiisa, ciidamada AMISOM, Ra’iisal wasaare ku xigeenka, iyo taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Milateriga.

    Uma suuragelin ciidamadii Farmaajo ee kala qeybsamay inay hor joogsadaan Ra’iisal wasaaraha, waxaana uu si toos ah u tegay xafiiskiisa, halkaasoo muddo kadib uu muuqaal kasoo duubay. Rooble wuxuu ku dhawaaqay inuu fashilmay inqilaabka ee ku kacay Farmaajo, isagoo ugu yeeray Madaxweynihii hore, xafiiskana ka dejiyey sawirkiisa. (Ka akhriso halkan)

    Waxaa Duhurnimadii halkaas kusoo gabagaboobay Qorshihii labaad e Farmaajo ku damacsanaa inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisal wasaare Rooble, kana xiro Madaxtooyada.

    Dhinaca kale ciidamadii Madaxtooyada ee qeybta ka ahaa Inqilaabka dhicisoobay waxay ka hor istaageen inay Madaxtooyada galaan wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga oo saaxiibo dhow la ah Ra’iisal wasaaraha, taasoo keentay in jidka SYL ay xiraan ciidamo uu watay Wasiirka Amniga.

    Fashilka ugu weyn ee ku dhacay qorshihii Farmaajo ku doonayay inuu ku maquuniyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaa sabab u ahaa saddex arrimood oo kala ah:

    1- Ciidamadii fulin lahaa oo amarkii fulin waayey intooda badan iyo taliyeyaashii Milateriga iyo Booliska oo dhexdhexaad ka noqday xaaladda u dhaxeysa Farmaajo iyo Rooble.

    2- Rooble oo ku adkeystay inuu tegayo Xafiiskiisa, wax kasta oo ay ku qaadato, si geesinimo lehna ugu bareeyay halistii ciidamada uu diyaariyay Farmaajo.

    3- Iyo Beesha Caalamka/AMISOM oo taageeray Ra’iisal wasaaraha, una digay Farmaajo.

    Fashilka qorshihii xil ka joojinta Rooble kadib, Farmaajo iyo kooxdiisa waxay bilaabeen inay beeniyaan wixii ka dhacay Villa Somaliya iy isku daygii awood ku maquuninta xukuumadda; waxayse weli ku dhegan yihiin oo u soo haray in Rooble yahay eedeysane.

    27-kii Disembar 2021 wixii ka dambeeyay waxaa dhacay isbedel weji cusub u yeelay madaxtooyada Soomaaliya. Dagaalkii siyaasadeed iyo midkii milateri ee Farmaajo uu Soomaaliya ka waday muddo 5 sano ah wuxuu ugu danbeyn keenay meel u jirta 100 Mitir iyo Villa Somaliya dhexdeeda, mana muuqato sida uu xaaladaas uga badbaadi doono.

    Warbixinta Wadani.net

    Doorashada Farmaajo Inqilaabkii Farmaajo Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif oo taladii ugu fiicneyd siiyey Farmaajo. “Ra’iisul Wasaaraha ka daa faragelinta..”
    Next Article Wasiiro kasoo jeeda K/Galbeed oo si kulul isugu jawaabay baraha Bulshada, Kiiska Mukhtar Roobow dartiis

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo