Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Sidee u fashilmay Qorshihii ay isku dayeen xubno Qaraabo la ah Ra’iisal wasaare Rooble..?

    XOG: Sidee u fashilmay Qorshihii ay isku dayeen xubno Qaraabo la ah Ra’iisal wasaare Rooble..?

    March 6, 2021Updated:March 11, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadaal xoog leh oo ay qaadeen xubno isugu jira xildhibaanno, Senatooro iyo Ganacsato oo lagu doonayey in awood loogu yeelo Ra’iisal wasaaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble si uu kaalintiisa u qaato ayaa shaqeyn waayey.

    Xubnahan oo beel ahaan isku abaabulay, ayna qaraabo yihiin Ra’iisal wasaaraha ayaa qaarkood lagu yaqaan inay mucaaradka ka tirsan yihiin, wuxuuna ujeedkoodu ahaa inay Rooble u bedelaan Ra’iisal wasaare go’aan leh la xisaabtami kara ama talada la qeybsan kara Farmaajo, marka ay ugu fiican tahayba la wareegi kara hoggaanka Doorashada dalka, laakiin arrintaasi waxay soo afjarantay markii uu fashilmay shirkii Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee Khamiistii 4 Maarso 2021.

    Inkastoo xubnaha Midowga musharixiinta ay shaki badan ka qabeen inuu Rooble noqon kara siyaasi awooda inuu hago Doorashada ama kaalintiisa kasoo bixi kara, haddana waxay fursad siiyeen Xubnahan halka beel kasoo jeeda oo mashruucoodii muddo toddobaad ah qaboojiyey xaaladda Muqdisho, kadibna fashilmay.

    Dad kale ayaa arrintan u arkayey mid aan shaqeyn karin taasoo ay ugu wacneyd in ujeedkeedu ahaa sidii Rooble looga horjeedin lahaa ninkii magacaabay ee Farmaajo, dagaal siyaasadeedna ula geli lahaa.

    Xubnaha Guddigan waxay kala ahaayeen:

    1- Sen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)

    2- Sen. Yuusuf Gealle Ugaas

    3- Ex. Xildhiban Cabdisaabir Nuur Shuuriye

    4- Xildhibaan Mahad Salad

    5- Ganacsade Liibaan Axmed Xasan.

    6- iyo xubno kale oo si hoose uga qeyb galay

    Ujeedka ay ka duulayeen waxay ahaayeen inaysan Muqdisho qalalaase ka dhicin, isla markaana aanay xaalad dagaal gelin iyadoo uu Ra’iisal wasaare yahay nin ay isku heyb yihiin, balse qorshahoodii waxaa meesha ka saaray Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo si toos ah u soo farageliyey waanwaantii, si cadna u tusay inuu isagu yahay qofka ay talada ka go’do oo leh go’aanka ugu danbeeya.

    Fashilkii isku daygan waxaa ereyo kooban ku cabiray Xildhibaan Mahad Salaad oo Guddiigan ka mid ahaa oo habeenkii lagu kala tegay shirkii Decale farriintan diray: “Cashar cusub ayaan caawa siyaasada Soomaaliya ka bartay. Ra’iisul Wasaare fariin meel fog laga soo diray lagu hagayo oo HAA iyo MAYA midna aan ku dhihi karin!”.

    Labadii mas’uul ee Beeshan ugu sareeyay ee Maxamed Xuseen Rooble iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay hadda noqdeen kuwo laga sabray inay xal noqon karaan xaaladan adag ee dalku marayo, ayna door bideen inay masiirkooda siyaasadeed ku xiraan Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo xaaladda ku celineysa meeshii ay taagneyd 19-kii Febraayo 2021, haddii aysan Beesha Caalamka joojin baaqyada oo aysan soo faragelin xaaladda.

    May be an image of 4 people, people standing, people sitting and indoor
    Beesha H/Gidir Doorashada Maxamed Xuseen Rooble Midowga Musharixiinta Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDad lagu la’ yahay Goobtii Qaraxu ka dhacay ee Muqdisho iyo Meydad laga cabsi qabo inay ku jiraan…
    Next Article C/raxman C/shakuur oo soo bandhigay Xog ay Dowladda ka heysay Qarixii Baarka Luul Yemani

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo