Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Siduu u dhacay Weerarkii 19 Febraayo 2021. (Yaa Amray, Yaa qorsheeyay, Sidee ayaase loo fuliyey?)

    XOG: Siduu u dhacay Weerarkii 19 Febraayo 2021. (Yaa Amray, Yaa qorsheeyay, Sidee ayaase loo fuliyey?)

    March 4, 2021Updated:March 5, 20217 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saqdii dhexe kadib 19-kii Febraayo 2021, habeenkii Jimcaha soo galeysay saacadu markay ahayd 01:11 waxaa mar kaliya is qabsaday rasaas xoog leh oo ka dhaceysay taallada Daljirka Dahsoon ilaa Hotelka Maa’ida (Ex. Naasahablood II), waxaana la maqlay rasaas culus iyo iyo qaraxyo socday muddo ku dhow Nus Saac.

    Dagaalkaasi wuxuu dhex maray ciidamo weerar ahaa oo ka socday dowladda Federaalka iyo ciidamo ilaalo u ah Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugnaa aagga dagaalku ka dhacay, waxaana labada mas’uul ay ku sugnaayeen Hotelka Maa’ida, iyadoo subaxda Jimcaha lagu balansanaa inuu bannaanbax looga horjeedo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dhaco Daljirka Dahsoon.

    Xogta ay soo soo ururisay Wadani.net waxay kashifeysaa sidii weerarku u dhacay, ciddii Amarka bixisay, saraakiisha iyo ciidamada fuliyey iyo weliba qasaaraha ka dhashay, iyadoo dhinacyada dowladda iyo Musharixiinta uu mid waliba kan kale ku eedeeyay inuu soo weerarray.

    Daqiiqado ka hor inta uusan dagaalku dhicin waxaa fashilmay waanwaan ay wadeen odayaal uu hoggaaminayey Imaam Maxamed Yuusuf oo ilaa galabtii Khamiista ku howlanaa in laga baaqsado iska hor imaad. Odayaasha ayaa la kulmay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna sheegeen inuu welwel ka muujiyey bannaanbaxa ay wadaan musharixiinta oo qalalaase ka dhici karo, balse isagoon diidin inuu ogolaado Bannaanbaxa ayuu odayaasha u diray inay arrintan kala xaajoodaan Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

    Imaamka iyo odayaasha dhaqanka waxay caqabad kala kulmeen Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyeen wasiirada Amniga, Diinta iyo Awqaafta, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo xubno kale oo ka hor yimid bannanbaxa, Rooble ayaa ka dalbaday odayaasha ay ku qanciyaan musharixiinta joojinta bannaanbaxa, iyagoo ku adkeystay inaysan ogolaan karin bannaanbaxa.

    Inta howshaasi socotay waxaa dhinaca kale la diyaarinayey weerarka ay ciidamada dowladda ku qaadeen Daljirka Dahsoon, kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu qabsado Fagaaraha uu bannaanbaxa ka dhici lahaa ee Daljirka Dahsoon, lagu go’doomiyo Musharixiinta iyo dadkii soo bixi lahaa laguna joojiyo bannaanbaxa, waxayna magaaladu isu bedeshay bandow.

    Waxaa fiidnimadii Khamiista 18-ka Febraayo ciidamo badan la dhigay Wadooyinka iyo Isgoysyada magaalada Muqdisho, iyadoo la joojiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka. Ciidamada Wadooyinka la dhigay waxay ahaayeen Booliska gaaka ah ee Haramcad, Gorgor iyo Warran.

    YAA AMRAY WEERARKA..?

    Amarka weerarka waxaa bixiyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo, isagoo gacan ka helaya agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Waxaa la xaqiijiyey inaysan weerarka talo ku lahayn taliyeyaasha Milateriga Jen. Odowaa Yuusuf Raage iyo Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo mararka qaarkood lagu joojinayey baraha ciidamadii magaalada lagu soo daadiyey ee ka howlgalay habeenkaasi.

    Maxamed C//laahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

    CIIDAMADA IYO SARAAKIISHA FULIYAY WEERARKA

    Waxaa weerarkii Daljirka Dahsoon ee 19-kii Febraayo fuliyey ciidamada kala ah: Guutada Gorgor ee Kumaandooska Milateriga oo Turkigu tababarray, Ciidamada hubeysan ee Warran oo ka tirsan NISA iyo Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad.

    Saraakiisha weerarka qorsheysay iyo kuwa hoggaaminayey waxay kala ahaayeen:

    1- C/llaahi Aadan Kulane oo ah mas’uul sare oo ka tirsan NISA, gacan-yare dhowna u ah Farmaajo.

    2- Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi

    3- Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala)- Madaxa sirdoonka ciidamada Milateriga

    4- Gashaanle Dayax Cabdi Cabdulle – Taliyaha Guutada Gorgor

    5- Kabtan Saahid Jaamac (Saahid Jareere) Taliyaha ururka 8-aad ee ciidamada Gorgor

    Bidix: Maxamed Biixii, Dayac Cabdule iyo Saahid Jareerre

    QORSHEYNTA WEERARKA

    Qorshaha weerarku wuxuu bilowday fiidkii inta aanu Jeneraal Indha-cadde tegin Daljirka Dahsoon ee ku dhawaaqin inaysan dowlad jirin, amnigana sugayaan oo bannaanbuxu ka dhacayo halkaasi, waxaana barbar socday ciidamada la dhigay Wadooyinka Muqdisho.

    Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Caga-jilac oo ah madaxda tababarrada ee Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa sahan ku sameeyay Taallada Daljirka Dahsoon iyo ciidamada raacsan Musharixiinta ee ku sugan, wuxuuna isagoo wata Gaari Boolis ah uu dhowr jeer ku wareegay Daljirka, Hotelka Maa’ida iyo aagga ku xeeran, isagoo shaqadiisa ay intaas ku koobneyd.

    Wuxuu soo ogaaday in ciidamada mushariixinta ee ilaalo ahaanta u jooga Taallada Daljirka ay yihiin laba gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamadii la socday oon badneyn, balse Hotelka Maa’ida ku sugan yihiin inta badan ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee ay wateen madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

    SIDEE WEERARKA LOO FULIYEY..?

    Ilaa 11 Gaadiidka dagaalka oo u badan Beebeyaashii ay Turkiga siiyeen ciidamada Gorgor ayaa ka yimid dhinaca Boondheere, waxayna soo dhaafeen labadii Gaari ee tiknikada ahaa oo ilaalo ahaanta ay musharixiinta ku dhigeen agagaarka Daljirka Dahsoon oo aan wax dareen ah qabin.

    Wax-yar kadib ay rasaas ku bilaabeen oo labadii Gaari, markii ay gadaal ka mareen, kuna soo laabteen; waxaana halkaasi ka qarxay dagaalkii, iyadoo labada gaariba waxyeelo soo gaartay mid ka mida labada Gaari waxaa ku dhintay Darawalkii, kan kalena waaxaa lagu dilay Gaanerigii, waxayana dagaal kooban kadib ciidamadii weeerarka ahaa ee Haramcad la wareegeen labadii Gaari oo ay jiiteen. Ciidamada waxaa Gorgor taageerayey kuwa Warran ee NISA.

    Waxaa rasaas culus ka dhex qaraxday ciidamadii ilaalada madaxweynayaashii hore ee ku sugnaa afka hore ee Hotelka Maa’ida iyo kuwii Gorgor ee gaaray meel u dhow Hotelka Maa’ida oo ay ku jireen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waxaana halkaasi muddo ka socday rasaas xoog leh.

    Ciidamadii Gorgor waxay markiiba qabsadeen Daljirka Dahsoon oo ahaa ujeedkooda ugu weyn, waxaa kaloo rasaas laga maqlay goobo kala duwan oo magaalada ka mida. Ciidamo badan ayaa la geeyay Degemooyinka C/casiis, Shibis, Kaaraan iyo isgoysyada Sanca iyo Mirinaayada, waxaana la xiray wadooyinka oo lagu jaray carro, si looga hortago ciidamo gurmad ah oo ka imaan kara dhinacaasi.

    Subaxdii Jimcaha: iyo muuqaalka Taallada Dajirka Dahsoon

    Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay weerarka uga dhinteen ilaa shan askari, waxaana intii ay rasaasta socotay ka barbar bilowday xiriiro iyo wadahadal iyo xaalada lagu qaboojinayo, waxaana qeyb ka ahaa taliyaha Milateriga, kadibna waxaa istaagay dagaalkii, iyadoo Hotelka ay ku jireen madaxweynayaashii hore ay go’doomiyeen ciidamada Ilaalda Madaxtooyada iyo kuwa Gorgor oo dhinacyada Galbeed iyo Bari ka fadhiyey.

    Daqiiqado kadib waxaa farriimihii ugu horeeyay soo diray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo sheegay inay ciidamada dowladda kusoo weerarraan Hotelkii ay ku jireen, waxaana ilaa salaadii subax xilli ku dhow socday shirar jaraa’id oo ay qabanayeen musharixiinta. jawaabtii ugu horeysay ee dhinaca kale waxaa bixiyay Ra’iisal Wasaaraha Galabtii Jimacaha oo ku dooday in ciidamada dowladda la weerarray.

    DANAB OO LOO DIIDAY HOWLGALKA IYO SARAAKIIL ISKOOD UGA HOR YIMID

    Ciidamada Kumaandooska Danab ee Mareykanku tababarro ayaa loo diiday inay ka qeyb galaan iska hor imaadyadii Muqdisho ee 19-ka Febraayo markii Saraakiishooda oo Mareykanka ka amar qaadanaya ay diideen dalabkii uga yimid Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in ciidamadaasi ka howlgalaan Muqdisho habeenkii weerarka iyo maalintii ka danbeysay, waxaa sidaasi qoray wargeyska caanka ah ee Washignton Post oo soo xigay sarkaal ka tirsan Danab (Akhriso).

    Dhinaca kale ilaa laba sarkaal oo ka trisan ciidamada Gorgor ayaa la sheegay inay diideen ka qeyb galka howlgalka, iyadoo sababtaas darteed cadaadis uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya ay wajaheen.

    RASAASEYNTA BANNANABAXII KM4

    Musharxiinta hoggaamineysa bannaanbax wadadda Garoonka Diyaaradaha inta aan la rasaaseyn

    Barqanimadii Jimcaha waxay ciidamadii Haramcad ee la dhigay barta laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee KM4 ay rasaas ku fureen bannabaxayaal ay hoggaaminayeen musharxiinta kala ah: Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur, C/kariin Guuleed iyo xubno kale.

    Dhacdadaasi waxaa ka dhashay dhaawacyo, waxaana gubtay dhisme ku yaalla Garoonka Muqdisho markii Gantaal uu ku dhacay, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen cidda ka danbeysay, waxaase cad in rasaasta dhacday ay is weydaarsadeen ciidamada dowladda ee ka hortegayay bannaanbaxa iyo ilaalada musharixiinta oo watay hub fudud iyo mid culus.

    KA GUURISTII SHEEKH SHARIF IYO XASAN SHEEKH EE HOTELKA MAA’IDA

    Gaadiidka Kolonyada madaxweynayaashii hore ee ka baxay Hotelka Maa’ida

    Madaxweynaaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galabnimadii Jimcaha ee 19-ka Febraayo ka baxay Hotelka Maa’ida ee weerarku ka dhacay, kuna laabtay xarumahooda, iyadoo qaabkii ay halkaasi uga bixi lahaayeen uu muddo qaatay.

    Labada madaxweyne ayaa diiday inay galbiyaan ciidamado ay wateen qaar ka mida taliyeyaasha ciidamada dowladda, kadibna waxay Hotelka uga baxeen waaawaan uu ka qeybgalay mid ka mid musharixiinta oo keentay in loo banneeyo jid gaara, lagana qaado ciidamadii dowladda ee ku sugnaa, sidaas ayuuna kusoo gabagaboobay howlgalkii uu Farmaajo amray ee 19 Febraayo 2021.

    Waxa diyaariyey: Gobjooge.net

    19 Febraayo Daljirka Dahsoon Farmaajo Musharixiinta madaxweynaha Sheekh Shariif Warbixin weerarkii 19 Febraayo Weerarkii 19 Febraayo Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Rafcaanka oo sii deysay 2 ka mida mas’uuliyiintii Wasaarada Caafimaadka ee u xirnaa Musuqa
    Next Article Shirkii RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Dib udhac kadib ka furmay Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo