Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Sirta ku Qarsoon Kursiga dhex yaalla Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf (Sidee lagu qancinayaa Oday Xaaf?)

    XOG: Sirta ku Qarsoon Kursiga dhex yaalla Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf (Sidee lagu qancinayaa Oday Xaaf?)

    August 14, 2021Updated:August 24, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Labada Kursi ee Aqalka sare oo dib loo dhigay inay doorashadooda ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaa ka mida kursiga laga soo doorto Galmudug ee uu xilligan ku fadhiyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid.

    Kursigan oo ay leedahay Beesha Sacad, waxaa xiiso weyn u yeelaya markii uu isu soo sharxay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka mid ahaa madaxdii Galmudug ee xilka looga qaaday dagaalka siyaasadeed ee ay ku qaaday kooxda Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

    Xaqiiqada qarsoon ee kursigan waa inuu dhex yaalla siyaasiyiinta beesha ay kasoo wada jeedaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf, laakiin doorashadii 2016 waxaa qaatay Cabdi Qeybdiid, halka Axmed Geelle Xaaf uu markaas isu diyaariyey inuu u tartamo kursiga Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka, kaasoo qorshe musuq ah uga qaatay Axmed Macalin Fiqi.

    SIDEE XAAF KU WAAYEY KURSIGII GOLAHA SHACABKA 2016?

    Doorashadii magaalada Cadaado ka dhacday 28 Novembar 2016 wuxuu Ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf isu sharxay kursiga jufadiisa ee Golaha, kaasoo uu muddo ku fadhiyey, waxaana la filayey inuu La tartamo Axmed Macallin Fiqi, laakiin waxaa dhacday inuu tartanka si lama filaan ah uga haray, waxaana laga waayey goobtii doorashada oo kaliya ay soo xaadireen Musharax Axmed Maclin Fiqi iyo ergo taageersan, sidaasina uu kusoo baxay Xildhibaan Fiqi, taasoo soo afjartay rajadii xildhibaannimo ee Axmed Geelle Xaaf oo xilligaas aan markii hore u aadin Aqalka Sare.

    RAADRAAC: Sidee Axmed Fiqi ku nqoday Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

    Dhinaca kale 15 Bishii Oktoobar 2016 ayaa Cabdi Qeybdiid si fudud loogu doortay senatoor ka tirsan Aqalka Sare ee Barlamaanka, waxaana La tartamay Musharaxa Maxamed Xuseen Tahliil, isagoo noqday senatoor-kii labaad ee lagu soo doortay magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug, wuxuuna sidaasi ku qaatay kursigii Aqalka Sare.

    XAAF IYO DOORASHADA 2021

    Axmed Geelle Xaaf oo caddeeyay inuu u taagan yahay Aqalka Sare ee uu Cabdi Qeybdiid ku fadhiyo, wuxuuna iclaamiyey dagaal siyaasadeed, isagoo u digay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, si cadna u sheegay hadii ay dhacaan wixii dhacay Doorashadaii 2016 oo kale inuu Yowmul Qiyaame dhici doono, sida uu yiri .

    Xaaf inkastoo uu damac xoog leh uga jiro Aqalka Sare, haddana xiligan xiriir fiican lama laha madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, sidoo kalena waxaa yar taageerayaashiisa siyaasadeed,marka laga reebo jufadiisa hoose. Waxaa xilligan aad ugu adag inuu Cabdi Qeybdiid ka fara maroojiyo kursigan.

    Qeybdiid ayaa mar kale u sharxan Aqalka Sare, wuxuuna taageero ka heysta Madaxweyne Qoorqoor, isagoo furimaha dagaalka ee Galmudug kasoo muuqday muddoyinkii danbe, kuna kalsoon inuu si dahlan kusoo laaban karo.

    Xaaf oo ay u sahlanaatay inuu Cabdi Qeybdiid kursiga Aqalka Sare kula tartamo, halkii uu mar kale doorasho la geli lahaa Axmed Fiqi oo kursigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Dhuusamareeb u jooga inuu la tartamo Cabdi Qeybdiid, laakiin waxaa heysta caqabado waaweyn oo hankiisa hoos u dhigaya.

    SIDEE XAAF LAGU QANCIN DOONNAA..?

    Madaxweyne Qoorqoor oo saaxiibadii u u wada xiray lixdii kursi ee lagu doortay Dhuusamareeb ayaa lagu tuhunsan yahay inuu doonayo inuu kursigan u xiro Cabdi Qeybdiid, waana sababta dib loo dhigo doorashada kursigan si loo qanciyo Oday Xaaf.

    Waxaa Cad  in Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) aanu ka badbaadi karin Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo raba inuu ka reebo kursiga Aqalka Sare si aanu ula tartamin Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), haddiise ay dhacdo inay tartamaan labada oday, wuxuu heystaa fursad uu ku guuleysan karo.

    Xildhibaannada Galmudug oo aan hal warqad Sanduuq ku riday, gacantaagna ku doortay lixdii Senatoor ee ay soo saareen ayaa waxay arrintu u badan tahay noqon in si hoose loo qanciyo Xaaf, ama atartanka laga reebo.

    RAADRAAC: Sidee Axmed Macalin Fiqi ku noqday Xidhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.?
    Aqalka sare Doorashada Qeybdiid Qoorqoor Top Xaaf
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaleeshiyada Daalibaan oo qabsatay magaalo u dhow Caasimadda Kaabul iyo Xaaladihii ugu danbeeyay..
    Next Article Daaliban oo qabsatay magaalo muhiim ah iyo kala carar ka taagan Caasimaddii Kaabul

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo