Iyadoo hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka aanay wax war ah kasoo saarin baaritaanka qarixii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho ayaa xog cusub laga helay dadka ku lug yeeshay qaraxa.
Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixin uu ka jeediyay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirada uga warbixiyay Qaraxii Soope, isagoo sheegay in qaraxa loo xiray dad gaaraya ilaa 5 qofood.
Shanta qof ee loo xiray ayaa kala ah: Darawalkii Gaariga Noah ee ku qarxay xaafadda Ceelqalow, laba qof oo Damiin ka ahaa Gaariga weyn ee ku qarxay isgoyska KM5 iyo qof ku lug leh qaraxa oo isu dhiibay hay’adaha Amnigu.
Qaraxii Zoope oo ay ku dhinteen 414 oo 58 ka mida lagu waayay nolol iyo geeri ayaa laba todobaad kadib aysan jirin faahfaahin laga bixiyay qaraxa oo ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca, inkastoo madaxa dowladda Soomaaliya dhowr jeer sheegeen inay warbixinta la wadaagi doonaan shacabka.
Wadani