Tuesday, May 13, 2025

XOG: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo fadeexad lacageed ku soo baxday

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa fadeexad cusub oo lacageed kasoo wajahday qorshe uu shirkad cusub ugu wareejiyay canshuurta Qaadka kasoo dega magaalada Muqdisho ee ka yimaada dalka Kenya.

Wasiirka ayaa dhowaan soo saaray wareegto shirkad uu leeyahay Xildhibaan/Ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) looga joojiyay canshuurtii ay ka qaadi jirtay Qaadka ay dalka keento oo mas’uul ayuga ahayd dowladda Federaalka. Wareegtada Wasiirka Fargeeti ayaa lagu cadeeyay in dowladu dooneyso kordhinta dakhliga.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti)
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti)

Muddo kooban kadib waxaa heshiis kale oo aan la shaacin wasiirku la galay shirkad kale oo fadhigeedu yahay Nairobi, shirkadaasi oo ay leeyihiin xubno u badan ganacsato ka soo jeeda  Puntland, waxaana dhacday wasiirka Maaliyadda shirkadda cusub la galo heshiis qarsoodi oo canshuurta dowladda qaarkeed looga dhaafayo, iyadoo aan la ogeyn sababta.

Ad

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti uu shaqsi ahaan dhowr goor tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo shaqaalaha wasaaradiisa ka dalbaday inay shirkadda cusub ee bilowday inay  Qaadka keento ay ka qaadaan lacag ka yar intii ay doonayeen ee u degsaneyd wasaaradda.

Dhacdooyinkan wasiirku ku lug yeeshay ayaa dhacay muddo ka badan saddex jeer, waxaana isku dhacay Wasiirka iyo wasiiru dowlaha wasaaradaasi C/llaahi Maxamed Nuur, iyadoo arrinta uu soo dhex galay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo falka wasiirka ka soo saaray qoraal uu ku caddeeyay shari darrada wasiirka maaliyadda ku kacay.

Fadeexadan maaliyadeed ee wasiirku ku dhaqaaqay ayaa soo baxeysa iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay dhaqaale darro heysto isla markaana ay bixin weyday mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada muddo ka abdan 3 bilood.

- Advertisement -

Faahfaahin kale oo arrintan ku saabsan dhowaan ayay Goobjooge.com ashaacin doontaa Insha Allaah….

HOOS KA AKHRI WAREEGTADII WASIIRKA MAALIYADDA

Wareegto Wasiirka Maaliyadda

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON