Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa noqday mas’uulka ugu safarrada badan xukuumadda Soomaaliya ee inta badan ka maqan magaalada Muqdisho iyo dalka.
Wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka mida ahaa xubnihii madaxweyne Farmaajo u raacay dhammaan safarradiisa dibadda, wuxuu kaloo Ra’iisal wasaaraha u raacay safarkii kaliya ee uu ku tegay dalka Qatar xilli aanu soo cagadhigan Muqdisho, balse isagoo dibadda ku maqnaa ay garoonka iska raaceen Ra’iisal wasaaraha.
Xogta ayaa sheegeysa in habac soo galay howlihii laga sugayay wasiiirka Amniga, isla markaana isbedello la filayay inuu ka sameeyo wasaaradda ay dib u dhaceen, iyadoo ay maqan tahay saameyntii wasiirka ee ku saabsan muranka ka taagan howlgalka ammaanka ee ka socda Muqdisho.
Wasiir Ducaale ayaa socdaaladiisa badan ee dibadda lagu micneeyay in loogu baahday wehlinta Madaxweynaha, waxaase u wehliyaa dano Ganacsi oo uu ku leeyahay Imaaraadka Carabta.
Wasiirkan ayaa ka mida saaxiibada Ra’iisal wasaaraha ugu dhow, waxaase muuqata in xilka loo dhiibay iyo maqnaanshihiisa aanu jecleysan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, inkastoo maalmihii ugu horeeyay uu muujiyay dardar shaqo.
Wadani