Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa wajahaya xaaladii ugu adkeyd intii uu hoggaanka maamulkaasi qabtay Feb 2020, iyadoo ay is casilayaan wasiiro muhiim ahaa.
Waxaa maanta ku dhawaaqay inuu is-casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo ka mida ahaa Wasiiradii waaweynaa ee Baarlamaanka Federaalka uga tegay inay Qoorqoor la dhisaan Galmudug.
Xaqiiqada khilaafka Axmed Qoorqoor iyo wasiirada uu ka mid yahay Axmed Fiqi ayaa salka ku heysa xiriirka madaxweynaha Galmudug la leeyahay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday e Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo arrimaha Doorashada, taasoo hadda weji cusub yeelatay.
Waxaa shaki weyn dhaliyey ciidamo fara badan oo Farmaajo u diray magaalada Dhuusmareeb si ay dagaal ugu qaadaan Kooxda Ahlu Suna ee qabsatay magaalada Guriceel iyo degaano kale, waxaana Farmaajo iyo Qoorqoor ay wadaan qorshe dagaal oo lagu maquuniyo Ahlu Suna, halka wasiiro dhowr ah ay ka hor jeesteen arrintan.
Arrinta shakiga sii xoojisay ayaa ah in Farmaajo uu taageero milateri iyo saanadba u diiday Madaxweynaha Galmudug xilli uu si weyn ugu baahnaa, kana codsaday, kadib weerarkii Alshabaab ee Camaara oo gaadiid badan looga qabsaday Galmudug, gar ahaan ciidamadii Madaxtooyada Galmudug (Halkan ka Akhriso Warka). Xilligan Galmudug waxaa u soo gurmatay Puntland.
Xilligan oo Galmudug ay xaalad kasoo wajahday Ahlu Suna ayey si xoog leh Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ugu gurmadeen, una diraan ciidamo ku dhow 1000 askari, saanad iyo hub, waxayna arrintan abuurtay inay ka hor yimadaaan wasiiro ka tirsan Galmudug oo Wasiirkii Amniga ka mid yahay.
Waxaa la filayaa in wasiiro kale ay is-casilaan, iyadoo caawa uu Qoorqoor kulan la yeelan doono Golaha Wasiirada, isla markaana arrintan looga hadli doono, waxaana Madaxweynaha Galmudug lagu eedeynayaa inuu doortay dagaal uu ku qaado Ahlu suna.
