Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 12
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Yaa ka danbeeya Khilaafka soo shaac baxay ee Guddiga Doorashada Heer Federaal..?

    XOG: Yaa ka danbeeya Khilaafka soo shaac baxay ee Guddiga Doorashada Heer Federaal..?

    August 18, 2021Updated:August 18, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Guddiga Doorashada Heer Federaal, kadib markii uu shalay soo saaray Habraaca Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasoo awoodda soo xulista xildhibaannada siinaya Odayasha Dhaqanka iyo ururada Bulshada.

    Ilaa hadda waxaa saxaafadda laba xubnood oo ka mida Guddiga, kuwaas oo sheegay inaysan raacsaneyn Habraaca soo baxay, waxaana xubnahaasi ka hor baraha bulshada lagu arkay qoraalo kasoo baxay xubno ka mida Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo diidan Habraaca Guddiga Doorashada ee Heer Federaal.

    Xogta la helay ayaa sheegaysa madaxda maamul Goboleedyada ay doonayaan inay iyagu maamulaan Doorashada Golaha shacabka, ayna saameyn ku leeyihiin Guddiga Doorashada, laakiin Maamul Goboleedyada sida weyn uga dambeeyay khilaafka Guddiga Doorashada laga dhex abuuray inay ugu horeeyaan Puntland iyo Jubbaland oo doonaya inay awood weyn ku lahaadaan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada Golaha shacabka iyo guud ahaan Doorashada.

    Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegay in faragelin ku hayaan Guddiga Doorashada Heer Federaalka, iyagoo u soo maraya xubnaha ugu jira ee ay soo magacaabeen, si ay awood ugu yeeshaan Doorashada Golaha Shacabka.

    Inta badan xubnaha Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa doonaya inuu Guddigu noqdo mid madax bannaan, isla markaana aysan doorashada Golaha shacabka la mid noqon soo xulistii Aqalka Sare ee ay gacanta ku hayeen Maamul Goboleedyada, laakiin waxay wajahayaan xubno ka tirsan Golaha oo ku xiran madaxda maamul Goboleedyada ee soo magacaabay.

    Siciid Abshir oo ka mid ah xubna diidan soo saarista Habraaca Doorashada ayaa ku dooday in qaar kamid ah xubnaha guddiga ay ku kala maqnaayeen magaalooyinka Garowe iyo Baydhabo isla markaana aan laga talo-gelin habraaca.

    “Ma diidanin habraaca ee waxaan diiddanahay in habraac aan waqtigiisa joogin si khaldan loo soo gudbiyo. Marka inaan sugno shirka uu ra’iisal wasaaraha shaaciyey oo aan ku shaqeyno habraaca ka soo baxay waa wixii guddiga loo sameeyay,” ayuu yiri Siciid Abshir oo si cad u sheegay inay ku shaqeynayaan Habraac ka yimaada Golaha Wadatashiga.

    Sidoo kale Cabdi Xiis Udan oo ah guddoomiyaha maaliyadda guddiga doorashada heer federaal , kana soo galay Jubbaland ayaa warqad uu soo saaray isna ku diiday go’aanka guddiga, wuxuuna sheegay in laga hordhacay go’aankii golaha wadatashiga Qaranka ee ku aaddan arrimaha habraaca ku xusan.

    Doorashada Guddiga Doorashada Jubbaland Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo shaacisay magacyada Saraakiil lagu dilay Dagaalkii Galmudug iyo Sarkaal Nolol lagu qabtay, kadibna..
    Next Article Daalibaan oo burburisay Taallo loo dhisay Qabqable Dagaal oo hore ula dagaalamay, kadibna ay dileen

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo