Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Yaa ka danbeeyay Go’aannadii ay Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe uga hor yimaadeen Muddo kororsiga

    XOG: Yaa ka danbeeyay Go’aannadii ay Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe uga hor yimaadeen Muddo kororsiga

    April 29, 2021Updated:May 3, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraalladii daqiiqadaha u dhaxeeyay ee ay soo saareen madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug / Hirshabelle iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta waxay isbedel weyn ku yimid xaladii is mari-waaga Doorashada dalka ee gaartay iska hor imaad iyo gacan-ka-hadal.

    Kadib markii ay soo xirmeen dadaalladii ay wakiilada beesha caalamka ugu jireen inay Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qanciyeen heshiis uu la galo madaxda dowlad Goboleedyada si loo dhaqan geliyo heshiiskii Doorashada 17-ka Septembar 2020, waxay qaateen tallaabooyin kale oo lagu go’doominayo.

    Dulqaadka Beesha Caalamka u heysay Farmaajo wuxuu soo dhammaaday 12-ka April 2021, markii uu Aqalka hoose ee Golaha shacabka ku riixay muddo kororsi 2 sano ah, isla markaana uu saxiixay, isagoo ku adkeystay inuu ku soconayo, wuxuuna telefoonada ka xirtay wakiilada Beesha caalamka, kuwooda saameynta leh.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa Mareykanka iyo dalal ka mida Yurub inay si toos ah cadaadis u saareen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo ay dadaal u galeen inay ka hor keenaan Farmaajo si loo fashiliyo qorshihiisa muddo kororsiga, looguna qasbo tanaasul.

    Cadaadiska Beesha Caalamka wuxuu isugu jiray hanjabaadyo shaqsi ah oo tallaabo looga qaadayo siyaasiyiintan, sida xayiraado kala duwan iyo in loo aqoonsado qas-wadeyaal, waxaa kaloo beesha caalamku cadaadis saartay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.

    Bidix Safiirka UK, Wasiirka Arrimaha dibadda Sweden iyo Safiirka Mareykanka

    Dowladda Sweden waxay si gaara ula hadashay, cadaadis xoog lehna u saartay Ra’iisal wasaare Rooble, ilaa uu ka ogolaaday inuu ka hor yimaado muddo kororsiga, si cadna u shaaciyo mowqifkiisa. Waxyar kadib markii uu soo baxay qoraalkii Ra’isal wasaaraha, waxaa bayaan bogaadin ah ka soo saartay Wasiirka Arrimaha dibadda Sweden Anna Linde, waxayna iyadoo magaca Maxamed Rooble xuseysa farrinteeda ku tiri:

    “Waxaan soo dhoweynayaa bayaankii maanta kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Momamed H Rooble oo soo jeediyey wadar-ogol hore loogu socdo, uguna baaqay saamileyda inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhisan heshiisyadii hore”.

    I welcome today’s statement by Somalia Prime Minister @MohamedHRoble proposing a consensus-based way forward and urging stakeholders to prepare for elections based on previous commitments. Crucial to stay on the path of dialogue and refrain from violence.

    — Ann Linde (@AnnLinde) April 27, 2021

    Sidoo kale Mareykanka ayaa si gaara usoo dhoweeyay go’aanada ay muddo kororsiga Farmaajo ku diideen Madaxda Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Ra’iisal wasaare Maxaned Rooble, isla markaana waxaa farriinta laguu xusay magacyada saddexda mas’uul, halka Farmaajo loo tilmaamay inuu wadddadaas cad raaco.

    We commend @MrQoorqoor, @AliGuudlaawe, and @MohamedHRoble for opposing a term extension and supporting the Sept. 17 election agreement. We urge @M_Farmaajo to accept the clear path to dialogue and peace. https://t.co/cWo1PvAjWf

    — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 27, 2021

    Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in Ingiriiska uu sidoo kale kaalin ku lahaa gadoodkii Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo heysta dhalashada UK, kaasoo ka hor yimid muddo kororsiga Farmaajo, isla markaana ahaa ninkii ugu horeeyay ee furay jidka gadoodka saraakiisha ciidamada.

    Waxaa muuqata in Mareykanka, Ingiriiska, Sweden ay qorsheyeen go’doominta Maxamed Farmaajo kadib muddo 7 bilood markii uu caqabad ku ahaa in Doorasho ka dhacdo Soomaaliya, kadibna uu 2 sano kororsaday, waxaana hadda qorshahooda ka harsan inay gacantiisa ka bixiyaan ciidamada, taasoo ah arrinta ugu weyn ee uu ku dagaalami doono xilliyada soo socda, ahna tijaabada ugu weyn oo hortaalla Rooble.

    Xilligan wuxuu cadaadiska iyo tooshka beesha calaamka saaran yahay Farmaajo iyo Mursal oo laga dalbanayo inay waxba kama jiraan ka dhigaan muddo kororsigii ay laba todobaad ka hor ku dhawaaqeen, waxaana farriimaha socda ay toos ugu socdaan Farmaajo, iyadoo la filayo inuu cadaadisu kusii socdo Farmaajo.

    We call on President Farmaajo and the Somali Parliament to annul the April 12 mandate extension bill, and we urge Somalia’s leaders to hold elections as soon as possible. Political dialogue should resume in an atmosphere free from violence and intimidation.https://t.co/KaCLmJJpc0

    — State Department Spokesperson 2013-2025 (@statedeptspox_a) April 28, 2021

    Dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay la-tacaalidda xaallada Soomaaliya u wareejiyeen caasimadaha dalalkooda, waxaana si toos ah go’aanno uga soo saara xilligan Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalkaasi, halkii ay howsha wadi jireen safiirada Muqdisho jooga.

    Far Farmaajo Muddo kororsi Top UK US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIGAD oo madaxda Soomaalida ka dalbatay inay ku laabtaan Heshiiskii Doorashada ee 17-ka Septembar
    Next Article Dowladda Ingiriiska oo Farriin cusub u dirtay Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada (War cusub)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo