Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in koox hubeysan ay degmada Dharkeynley agagaarka Agip-ka ku dileen xoghayihii degmada Kaxda Bile Axmed Abukar iyo mid ka mida Ilaaladiisa oo markaas watay gaari kuna socda degmada Kaxda.
Koox hubeysan oo ku daba jiray ayaa la sheegay in ay rasaas tiro badan ku fureen gaari uu saarnaa Xoghayaha, iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday. Gaariga uu watay xoghayaha ayaa qalibmay kadib markii rasaasta lagu furay, waxaana si xun ugu dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo ahaa xoghayaha iyo ninkii ilaalo u ahaa.
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kadib markii falku dhacay iyadoo gobta laga qaaday meydkooda.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]