Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xoghayihii Guddiga Maaliyadda oo kashifay Qaabkii Xukuumadda Somalia u faragelisay Guddigaasi [Akhriso]

    Xoghayihii Guddiga Maaliyadda oo kashifay Qaabkii Xukuumadda Somalia u faragelisay Guddigaasi [Akhriso]

    December 28, 2018Updated:December 28, 20184 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xoghayihii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ee laga saaray Guddigaasi xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii ay xukuumadda Soomaaliya u faragelisay ugna danbeyntana u kala qeybisay Guddigaasi.

    Qoraal uu soo dhigay Baraha bulshada ayuu ku caddeeyay in wixii ka dhacay Guddiga Maaliyadda ay ahayd sharci darro, balse uu isagu ka tanaasulay xilka uu guddiga ka hayey, wuxuuna su’aal ka keenay xorriyada ay guddiyada baarlamaanka ku shaqeyn karaan iyo sida ay ula xisaabtami karaan xukuumadda Soomaaliya.

    Qoraalka xildhibaanka  oo dheeraa ayuu ku bilaabay sida soo socota:

    BISMILAAH, Waxaan rabaa in aan halkaan kula wadaago Shacabka Soomaaliyeed si kooban arimaha la xariira Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka sida:-
    1. Shaqada Guddiga
    2. Khilaafka la sheegay ee ka dhex jiray guddiga
    3. Sharciyadda guddonka guddiga iyo habraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo
    4. Sida dhabta ah ee ay wax dheceen iyo waxa ka dhalan kara
    5. Aragtiydada gaarka ah
    Shaqada Guddiga: Guddiga maaliayada shaqadiisu si kooban waa diyaarinta iyo horkeenida golaha shacabka shuruucda la xariirta arimaha maaliyada, Korjoogtaynta iyo la xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowlada.
    Khilaafka la sheegay: Khilaafku waxaa uu ahaa mid ay xukuumadu abuurtay ee marna majirin wax khliaaf ah oo si dabiici ah ugu dhex jiray, sababaha ay xukuumadu guddiga khilaafka uga dhax abuurtana waxaa ay ahayd in ay baabi’iso jiritaanka guddiga maadaama aysan diyaar u ahayn isla xisaabtan.
    Sharciyadda guddonka guddiga iyo haraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo waa sida tan:
    Sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 4aad, 5aad iyo 6aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, gudoonka gudiyada waxa uu xilka ku wayn karaa:
    1. Istiqaalo qoraal ah.
    2. Haddii uu dhinto.
    3. Haddii ay ku timaado xil gudasho la’aan joogto ah ama uu si joogto ah uga maqnaado kulammada gudiga.
    4. Guddiguna waxaa uu arrinkaas ku wargalinayaa guddoomiyaha Golaha si ay u doortaan gudoon cusub. Hadaba waxaa xaqiiqa ah sababaha sare ku xusan in aan midna dhicin.
    Sida ay wax u dhaceen iyo waxa ka dhalan kara:
    Muda sanad ka hor ah ayey xukuumada bilowday in ay dhibsato guddiga maaliyadda sababa la xariira arimaha isla xisaabtanka iyo qabashada doodadaha dhagaysiga dadweynaha ee miisaaniyadda iyo shuruucda la xariirta maaliyada, waxaa ay marar kala duwan shirar gaar gaar ah naga dalbadeen balse marna ma aqbalin in nalaga weeciyo shaqadi aan u dhaaranay wakiilkana uga ahayn golaha shacabka, waxaa ay xukuumadu juhdi badan ku bixisay in guddiga shaqadiisa la car qaladeeyo ugu danbayna waxaa ay xukuumadu iska hor keentay khilaafna ka dhax abuurtay guddiga 24 Nov. 2018, sidoo kale xukuumadu waxaa ay ku qancisay labada gud. k/xigeen in ay sifo sharci dara ah kula diraan guddiga balse guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka hor yimid kuna timaamay sharci daro kala diristaas
    Hadaba maxaa kusoo xigay, Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisulwasaaraha dalka waxaaay sheegeen in laba motion laga keenay oo kala ah xil kaqaadis iyo isla xisaabtan waxyna sheegeen in midki xil ka qaadista ay noqdeen xildhibaanadi keenay balse kan labaad oo ah isla xisaabtanka xalkiisu waa in guddiga maaliyadda lakala diro ( SHARCI AMA SHARCI DARO, GAR AMA GAR DARO), halku dhegyadaas waxaa iigu horaysay xilligu Gud. Jawaari lagu soo duulay maalmahaan danbane waxaan ku maqlayay in loo adeegsado Dowlad gobaleedyada balse hada waxayba soo gaartay guddi hoosaadyadi golaha shacabka, waxaana igu maqaala ah in dood dheer kadib ayada oo lawada qirayo in ay sharci dara tahay la’isku raacay in qaab qoraaleed aan qaanuunka waafaqsanayn wax looga bedelay guddiga, guddomiyuhna sidaas xal mooday si loo furo golaha.
    Maxaa ka dhallan kara: waxaa adkaan doonta in golaha shacabku usii shaqeeyo si madax banana, waxaana xigi doonta in uu dhaco xad gudub dastuuri ah iyo dhammaan shuruucda kale dalka, waxaan jiri doonin isla xisaabtan haba yaraatee, hadii aan la dhowrin kala madax banaanida hay’ahada dowlada iyo shuruucda dalka waxaa dhumi doonta kalsoonida shacabka waxaana mugdi galaya rajada dowladnimo ee sida adag lagu soo yagleelay.
    Aragtidayda gaarka ah: Go’aanka marka aad qaadanayso waxaa lagu saleeyaa laba uun mid XAL ama XUL, Xulku waa kan kuugu fiican ee aad dooran lahayd ama saxda ah, xalkuna waa sida aad u aragto danta guud balse ay dhici karto in aadan jeclayn ama aadan ku qanacsanayn, hadaba waxaan u sheegayaa umada Soomaaliyeed aniga oo u arka xal in aan ka tanaasulay xilki iyo xubinimadi guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka qodobkiisa 58aad, inkasta oo aan aaminsahay in aan xal waara lagu gaari Karin marna dastuurka iyo shuruucda dalka oo aan loo hogaansamin balse marna anigu sabab uma noqonayo in maalin qura hay’adaha dowlada howlahoodu hakad galaan.
    Shcabkana waxaan xasuusinayaa in aanan ka tagin kana tanaasulin shaqadi aan u dhaartay oo ay ka mid tahay ilaalinta hantida shacabka waxaana mar walba la wadaagi doonaa warbixino kusalaynsan xaqiiqda watana cadayma waafi ah, waxaan u heli doonaa fursad fiican waxaana si furan shacabka ula kulmi doonaa maalin walba oo TALAADA ah hadii alle idmo.
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAAHFAAHIN: Alshabaab oo gubay tuulo ka tirsan Sh/Dhexe, kana qafaashay dad fara badan
    Next Article Xildhibaanno kasoo jeeda K/Galbeed oo xarunta NISA ku booqday Mukhtaar Roobow & Farriin ka timid [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo