Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federalka.
Xoghayihii ururka Saxafiyiinta ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macallimuu ayuu Ra’iisal wasaaruhu u magacaabay afhayeenka cusub ee xukuumadda, Macalimuu ayaa hore u ahaa weriye caan ah oo muddooyinkii danbe u doodi jiray xuquuqda saxafiyiinta.
Waa magacaabidii labaad ee isla manta kasoo baxda xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyadoo isla maanta la magacaabay xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raiisal wasaaraha.
