Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maxamed Omar Macalin oo xilka iska casilay ayaa faahfaahin ka bixiyey sababihii ku kalifay inuu shaqada wasaaradda isaga tago.
Qoraal uu soo dhigaya baraha bulshada ayuu ku sheegay in ay wada shaqeyn waayeen hoggaanka sare ee wasaaradda, isla markaana si aan sharci ahayn loo xiray agaaasime ka tirsan wasaaradda, wuxuuna sababta ugu weyn ee is-casilaadiisa ku sheegay inuusan ogolaaneynin in meel looga dhaco sumcadiisa sida uu ku dooday.
“Waxaan to rasmi ah isaga casilay booska XJ ee wasaaradda G&MM sababo ay ka mid yihiin wada shaqeyn la’aan aniga iyo hogaanka wasaaraadda, in la xiray agaasime ka tirsan wasaaradda oo aan loo marin sifo sharciga ku saleysan & aniga oo marnaba ogolaaneynin in meel loooga dhaco sumcadeyda iyo sharafteyda iyo sharafka qof kasta oo aan ku ogahay howl karnimo iyo shaqo wanaag” ayuuu qoraalkiisa ku yiri xoghaye Maxamed Omar Moalim.
Wuxuu intaas ku daray inuu wadankiisa ugu usoo shaqeeyay si karaamo iyo sharaf ku dheehantahay 6-dii sano ee lasoo dhaafay, sida uu yiri. Ayada oo weliba Ay ka jiraan xaalado biniaadanimo sida abaartii 2017, fatahaadii 2018 iyo qaraxi 14 October.