Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xogta laga helay Kiiska Ikraan Tahliil (Xogta Ciidamada Eritrea mise Dilkii Eng. Yariisow ayey eersatay? -Dhageyso)

    Xogta laga helay Kiiska Ikraan Tahliil (Xogta Ciidamada Eritrea mise Dilkii Eng. Yariisow ayey eersatay? -Dhageyso)

    July 15, 2021Updated:July 31, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mugdi ayaa hareeyey kiiska Gabar 23 sano jir ah oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax, kadib markii la waayey 26-kii June 2021, xilli ay ku danbeysay Gaari la sheegay inay ku qaadeen xubno ka tirsan Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

    Ikraan noqotay Agaasimaha Xafiiska Duqqa Magaalada Muqdsho, xilligii Allaha u naxariistee Engineer Cabiraxmaan Cusmar Cusmaan (Yariisow) ayaa sida xogta lagu helay u shaqeyneysay NISA, kana mid ahayd haweenka Sirdoonka, iyadoo xilliga shaqada loo qoray aanay caddeyn, Wararkuna sheegayaan in xilliga ay la shaqeyneysay Guddoomiye Yariisow ay ka mid ahayd Hay’adda.

    Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in kiiska Ikraan uu mugdi badan ku hareereysan yahay, balse wuxuu xaqiijiyey inuu isagu shaqada u qoray sanadkii 2017, ayna ka mid ahayd xubnaha la shaqeeya, kadibna uu u wareejiyey Qeybta xuquuqda Insaanka kale.

    “Ikraan Tahliil waxay kusoo biirtay Hay’adda 2017, aniga ayaana qoray.., Kiiskeeda mugdi badan ayaa ku hareysan. laakiin haddii aan kor iyo hoos ka eegay Waddo qaloocan iyo waddo toosan oo la xiriirta kiiska gabashan wuxuu ku arooreyaa Hey’adda NISA, Meesha ay deganeyd waxay u dhoweyd Hay’adda NISA xarunteeda, saraakiisha hay’adda ayeyna ka mid ahayd” ayuu yiri Sanbaloolshe.

    “Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa..” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

    Agaasime ku xigenekii hore ee NISA C/salaan Axmed Guuleed ayaa isna sheegay in shakiga la qabo uu yahay inay gabadhan ku maqan tahay gacanta dowladda, taasina ay muujineyso in dowladda ay u shaqeyneysay aysan ka maqneyn oo wax dadaal ah uigu jirin.

    Wuxuu sheegay inay Ikraan heysay xogta askarta sida qarsoodiga ah ee Fahad iyo Farmaajo u direen dalka Eritrea, ayna arrintan u muuqato in dowladda ku talagashay in ay tirtirto raadka iyo xogta ay heysay gabadhaasi.

    Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo kale dadka qaarkiis tilmaamayaan inay xog ka heysay weerarkii lagu dilay gudoomiyihii hore ee G/Banaadir C/raxmaan Yariisow oo ay ka hoos shaqeyneysay, iyadoo ka tirsan NISA.

    Hoos ka dhageyso Warbixin ay VOA ka diyaarisay

    https://av.voanews.com/clips/VSO/2021/07/15/8c7955a4-2269-426a-9ffc-2d109d25ad1d_48k.mp3
    Hay'adda Nabadsugidda Ikran Tahlil Farah Kiiska Ikraan Tahliil NISA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo oo Duco iyo Hambalyo u diray Dadkii ka hortegay Afgembigii Turkiga ee lagu ridi lahaa Erdogan
    Next Article Muuse Suudi: “Farmaajo in xoog lagu baxsho maahee iska bax ku bixi maayo, xitaa haddii codka laga helo”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo