Iyadoo saameyn weyn ay ka dhalatay weerarkii Alshabaab ay shalay ku qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulomareer ayaa waxaa soo baxay xogtii ugu horeysay oo ku saabsan tirada ciidamada Uganda looga dilay weerarkaasi.
Wasaaradda Difaaca Uganda ayaa Muqdisho u dirtay guddi baaris oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneral Kayanja Muhanga, si ay u soo baaraan xaaladihii weerarka ciidamada Ugadan Jimcihii iyo sidii wax u dhaceen.
Sida ay qoreen Warbaahinta Uganda iyo Kenya Weerarkii 26-kii May ee ka dhacay Buulo Mareer, gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 50 askari oo Ugandes ah, iyadoo laga cabsi qabo in lagu dilay tiro intaas ka badan.
Tiradan ayaa waxaa hore u sheegay xarun qaabilsan Dagaalka Argagixisada iyo xogta (Counter Terrorism & Security Intelligence), taasoo u muuqata inay tahay qiyaas laga qaaday muuqaallada weerarka ee Alshabaab baahisay.
Wararka ayaa sheegaya in Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Uganda uu ka mid ahaa Askarta ku dhintay qaraxyadii subaxnimadii Jimcaha ka dhacay Saldhigga Buulo Mareer, kaasoo argagax ku reebay ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu badan jooga Soomaaliya.
Saldhigga Buulomareer oo ku yaalla aaggaga ugu horeeya ee ATMIS ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ku dhow 200 askari oo kuwa dhulka iyo gawaarida gaashaaman. Alshabaab ayaa sheegtay inay halkaasi ku dishay 137 askari, ayna ku qabsaday Maxaabiis nool.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca iyo Afhayeenka Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) Brig-Gen Felix Kulayigye ayaa lagu sheegay in weerarku aanu joojin doonin sida ay uga go’an tahay Howlgalka ATMIS ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Afrika.
